Soomalidu waxay ku maahmaahda. “Hadii lagu sheego, waa la is-sheelaa. Hadii lagu sheelana waa la is-sheegaa”. Halku dhiga murtidan soomaaliyeed, waxa uu iftiiminayaa in Ninka Raga ah looga wanaagsan yahay inuu isaggu is-xayeysiiyo haddii aanay cidi waxaad soo baratay kaa dafirin ama lagu sheegi waayo. Waxa kale oo aad sheegan kartaa waxaaga iyo waxaad soo baratay kolka lagaa waraysto ee lagu weydiiyo. Laakiin hadaan cidi ku weydiinin waxa ay ku qurux badan tahay in bulshada inteeda kale ku sharaxaan shaqsiyadaada hadii loo baahdo, balse waxa af-salax-ku-dheg ah in qof masuul ah, oo aqoon sheeganaya intuu fagaare isa-soo taago yidhaahdo: “Anigaa dadka Ugu aqoon badan oo inta Ila mid ahi waa yar tahay cid iga sareysaana maba jirto. Waxanaan bartay… Meel heblaayo ayaan kasoo shaqeeyey”.
Sidoo kale, murti kaloo Soomaaliyeed, ayaa odhaahdeedu ahayd: “Sidaad isu-taqaan mahee, waa sida laguu yaqaan”. Dadku maaha intay soo toosaan aroor ay Waxay doonaan sheegtaan iyagoo Jaamacado tiro badan oo aan hore loogu maqlin ay ooda ka soo rogaan. Taasoo macnaheedu yahay aqoontaada rasmiga ah, waata Bulshada kula nooli kaa aaminsan tahay.
Hadaba, hadalka kasoo yeedhay Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland ee isaggu jiray Faanka iyo Faata-bakhda waxa uu daaha-ka fayday laba arimood, waa mida hore’e shaqsiyada masuulka Hadlay iyo intaa ay le’eg tahay aqoontiisa, cilmiga uu sheegtay iyo caqliga Ilahay siiyey. Iyo meselada labaad oo iyana ah, garaashada qofku ka dhaxlo caqliga Eebbe siiyey iyo aqoonta uu bartay oo dhaxalkoodu yahay xishood iyo inuu umadda karaameeyo.
Hadaba, Ilahay inagama dhiggo sidiisee, hadii qofka Bini-aadamka ah laga waayo intaa aynu kor kusoo sheegnay, maxaa Bulshada la gudboon?. Jawaabtu waa mid fuddud, waana laba midkood in la iska ilaabo oo aan cidii ka jawaabin iyo in runta loo sheego si sharkiisa ummadda looga badbaadiyo, sidaas awgeed inagoon ku talax-tageyn bal aynu waxyar is-dul taagno shaqsiyaada Maxamed Cali Bile iyo Taarikhda faanka ah ee u sheegtay.
Maxamed Cali Bile sida Taarikhda lagu hayo, waxa uu ka baxay sideetamaadkii, kuuliyadii Boolatiknikada iyo Kuuliyadii kalee SIDAM ee Muqdisho oo labaduba ahaa Jaamacado sharaf leh, oo mudnaa in lagu faano, hase-yeeshee Maxamed Cali Bile uu ka xishooday inuu ku faano, taasoo ina xasuusinaysa Heestii Ilahay ha u naxariistee Abwaan Cali Sugule, oo ahayd. “Af qalaad aqoontu Miyaa… mayee waa Ninba Eebe intuu geliya”. Labaddaa Kuliyadood Waxay ka mid ahaayeen kuwii Ugu mudnaa dalkii Soomaaliya isla markaana dad badan oo haldoor ah ay ka soo baxeen. Kadib Waxaa qaadatay Unicef Muqdisho 1989 kii oo uu kolkii dambe ee burburkii uu Hargeysa uga shaqeeyey isla Unicef xafiiskeedii Magaaladda Hargeysa. Ninka intiisa waa la siiyaaye wuu dedaalay oo Wuxuu Maxamed Cali Bile ka mid ahaa dad ka dalacay xafiiska Hargeysa keligiina Mahoo way badan yihiin oo xataa Cabdirashiid Xasan Mataan oo ay isla Boolatikinakada ka soo wada baxeen oo kolkii danbe UNDP u shaqeeynaayey ayaa noqday shakhsi isaga qudhiisu ka dalacay Xafiiska Hargeysa oo international staff noqday.
Sidoo kale, Agaasime Maxamed Cali Bile waxa uu mudo 20 sanno ku dhawaad ahaa UN International staff, waxanu kasoo Shaqeeyey wadamo badan oo ku kala yaala bariga dhexe iyo weliba Africa, hase-yeeshee Wadamadaas midna Maamulka ugu sareeya marna ma noqon sida shaqsiyaadka kalee kasoo Shaqeeyey Un-ka ee u kamid yahay Maxamed Biixi Yoonis.
Agaasime Maxamed Cali Bile waxa uu horaantii Sagaashanaadka ka bilaabay shaqada Un-ka Magaaladan Hargeysa, waxanu u shaqaynaayey Hayada Unicef, waxana 1998-kii xili ku beegan laga qaaday Magaalada Hargeysa waxanu dalka ka maqnaa mudo 20 sanno ah isagoo kusoo noqday dalka 2015-kii oo u Siyaasada kusoo biiray.
Si kastaba ha haatee meelna Laguma hayo Jaamacadaha 8 ah ee u sheegay inuu kasoo baxay, kuwasoo kala ah hadii aynu sheegashadiisa u raacno, “Waxaan Kasoo baxay Jaamacada Harvard, Waxaan kasoo baxay Jaamacada London, Jaamacada Urbina ee Talyaaniga, Jaamacada Holland ee Master, Jaamacada Paris ayaa kasoo baxay”. 8 jamaacadood imisa sanaadood ayaa lagaga qalin-bartaa. Haddii laga tegi waayo way dhici kartaa inuu Siminaaro gaagaaban ka qaato inkastoo iyadda qudheeda aan la hubin. Mida kale dadku seminaaradda Ma yidhaahdaan Jaamacad hebla ayaan ka soo baxay sababtoo ah waa marin habaabin.
Kolka la yidhaa Jaamaca heblaayo ayaan ka soo baxay waa kolka aad degree ka qaadatid. Mida kale su’aasha la weydiiyey iyo Jaamacadaha maxaa isku keenay. Waxaa lagu yidhi adigu kursiga dadka saami qaybsiga Ma uga degaysaa Waxaa ku filnaa oo keliya diyaar haddii madaxweynahu i badelayo ileyn dad badan oo runtii isagaba ka aqoon badan oo beelaha darafyadda ah baa joogee. Mida kale haduuba sidaa cajiib u yahay muxuu ku falayaa shaqadan yar ee Agaasimaha ah Wasiir iyo wax kale ayaabu u qalmaaye. Jawaabta su’aashaa waxaan u dhaafaya Akhristeeyaasha.
Qalinkii;Cabdicasiis Bashiir Nuur.
Xogreeb@gmail.com
Kano/Nigeria.