WAJAALE NEWS

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Iyo Gudoomiyaha Sadexaad Muj:Cali Guray Oo Saaka Dacwad Ka Dhan ah Faysal Cali Waraabe U Gudbiyay Maxkamada Sare+Kiiska Oo Si Rasmi ah u Furmaya Maalinta Bari

Hargaisa(Wajaalenews)Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xusen Iyo gudoomiyaha sadexaad muj:Cali Guray ayaa saaka dacwad ka dhan ah gudoomiyaha xisbigaas Faysal Cali Waraabe u gudbiyay maxkamada sare ee Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaana wararka aanu ka helayno Maxkamada sare tibaaxayaan in ay ka qabatay kiiska ay u soo gudbiyeen masuuliyiintan xisbiga Ucid iyada oo maalinta bari  ee taariikhdu tahay 17/04/2016 ay maxkamadu gudo gali doonto kiiskan Sida ay kula balantay masuuliyiintan.

Dhinaca kale gudoomiyaha maxkamada sare oo badi ay ku diirsadeen shaqadiisa cadaaladeed ayay bulsho waynta ku dhaqan Somaliland ka dhursugayaan go,aanka uu ka gaadhi doono kiiska xisbiga Ucid waloow ay tahay markii u horaysay ee kiis noocan oo kale ah loo gudbiyo gudoomiyahan oo badi bulshadu ku diirsatay.

Si kastaba ha ahaatee xaraarada xisbiga Ucid ayaa xiligan maraysa halkii u saraysay iyada oo meel adag ay kala taagan yihiin dhinacyada isku haya sharci jabinta xisbiga waxaanay dhinacyadani kala miciinsadeen maxkamad halka dhinaca gudoomiyaha faysalna ku baaqay shirwayne lagu dooranayo musharax madaxweyne iyo Ku xigeenka xisbigaas oo muranka ugu badani ka taagan yahay

Exit mobile version