WAJAALE NEWS

Xildhibaanada Golaha Degaanka Boorama Oo Xil-Ka-Qaadis Ku Sameeyay Xildhibaano Sedex Ah.

Borama(Wajaale News)kalfadhigii 3aad ee golaha degaanka ee degmada Boorama ayaa wali ka sacda xarunta degmada, kalfadhigan ayaa waxa uu marayaa maalintii 8aad, waxana xildhibaandu ay ku gorfaynayaan ajanadayaal dhawr ah iyada oo ay dhex marayso doodo iyo gorfayn aad u xoogan.

Wali kalfadhigan ayaanay jirin wax go´aamo ah oo la taaban karo oo ka soo baxay oo saxaafada looga waramay, balse qaar ka mid ah xildhibaanda ka qayb qaadanaya oo ay maanta shabakadu wax ka waydiisay ayaa u sheegay in kulankii maanta oo AXAD ah bishuna ay tahay 2. Septemper 2013

ay xilkii hogaamineed ee gudi hoosaadyada golaha kaga qaadeen sedex xildhibaan, isla markaana ay fariin digniin ah u direen Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo 4 ka mid ah 8 kulan ee qabsoomay aanan ka soo qayb galin.
.”Waxa aan maanta cod aqlabiyad ah kaga qaadnay xilkii sedex xildhibaan oo hogaaminayay qaar ka mid ah gudi hoosaadyada golaha, waxana ay sedexdaas xildhibaan kala yihiin Xil. Sh. Ibraahim Axmed Liibaan oo madax ka ahaa waaxda Nabadgalyada, Xil. Sh. Bade Muuse Gaafane oo madax ka ahaa waaxda Dhulka iyo XIl. Axmed Muxumed Catoosh oo madax ka ahaa waaxda Maaliyada iyo Lacagta, waxana sedexdan xildhibaan xil ka qaadistooda u codeeyay 15 xildhibaan oo golaha fadhiyay halka aanu shir gudoonku ka codayn” ayuu yidhi Xildhibaanku
Isaga oo hadalka sii wata waxa uu intan daba dhigay “Waxa sababay xil ka qaadistan ka dib markii ay goldaloolooyin badan ka soo baxeen hawshii aan u igmanay, isla markaana ay noo muuqatay inaanay sii wadi karin xilka loo igmaday oo ay ku fashilmeen inay warbixin cad soo hor dhigaan golaha, waxana waajib noqotay in jiho kale oo wax qabad ah looga dhaqaaqo xilkana laga xayuubiyo xildhibaanadaas, maalmaha soo socda ayaanan magacaabi doonaa xildhibaanada xilkaasi buuxin doona”
Dhinaca kale Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo ay ahayd inuu sida dastuuriga ah isagu shir gudoomiyo golaha ayaa ka maqnaa kala badh maalmaha uu kal fadhigu socday, waxana ay wararku sheegayaan in xildhibaandu ay maanta u direen fariin canaan ah oo ku wajahan inuu ka soo qayb galo kulanada golaha, isla markaana guto waajibkiisa dastuuriga ah isaga oo aan baylihinayn hawlaha balaadhan ee uu bulshada u hayo.
.
Maayar Saleebaan oo aan khadka taleefanka kula xidhiidhnay ayaa yidhi “hawsha iyo waajibka na saarani waa balaadhan yahay, waa muhiim inaan xaadiro kulanada la xisaabtanka iyo saxida ah ee golahu leeyahay, waxa kale oo tan bar bar socota hawl aad u balaadhan oo ah hawshii fulinta D/Hoose oo aanan daqiiqad laga fadhiisan karayn, sidaas aawadeed, waxa aan mudnaanta siiyay maalmahan u dambeeyay hawsha badan ee dhinaca dadwaynaha ah ee aan masuulka ka nahay, kalfadhiga golahana waxa aan u ahayd diyaar inaan ka qayb galo oo xildhibaanada kala qayb qaato wax walba oo talo, tusaale, toosin iyo tilmaamid ah oo ku aadan hormarka magaalda Boorama”
Wali waxa ay dadwaynuhu u dhago taagayaan inay maqlaan midhaha dhabta ah ee ka soo baxa kalfadhiga 3aad ee golaha degaanka, ilaa haatana wax walba oo xildhibaanadu isla meel dhigeen waxa ay yihiin kuwo aanan si rasmi ah loo shaacin.

Wajaale News
Office:Hargeisa/Somaliland

Exit mobile version