Fadeexadaha ka Dhashay Habka ay komishanka Doorashooyinku Umaamuleen Qaabka Loo Wacyigalinta Bulshada Reer Gabiley Iyo Afar goobood oo ay ka sareen liiska Goobihii Hore +kacdoonka Dhalinyarada Gadiidlayda Oo laga Dareemayo Gobolka
GABILEY(Wajaalenews) Tan iyo intii lamagacaabay gudida komishanka doorashooyinka ayaa marba marka ka danbaysa soo if baxaysay habka musuq maasuq ee ay lasoo baxeen iyo dhamaan xubnaha komishanka oo iyagu isku badalay ururo iyo qandaraas qatayaal ku mashquulay kala horor siga sidii ay mashaariicdii la bixin lahaa ay u kala qaybsan lahaayeen,
Arimahaasi iyo qaar kale oo dul hoganayay komishanka qaranka ayaa bedka soo dhigay habka ay u maamuleen qaarkamida gobolka dalka iyo tan gabiley oo noqotay mid fashilisa qorshayaashoodii,
komishanka Doorashooyinka qaranka ayaa sifo xaqiraad iyo maroorsi ah ula dhaqay gobolka gabiley sio kale waxay gabi ahaanba meesha ka saareen in dadwaynaha ka hor maalinta ay diwaangalintu bilaabmayso la wacyi galiyo
Kadib Markii loo maray sifo musuqmaasuqa si hoosena loo siiyay sedex urur oo ka kala socday gudoomiyaha komishanka, Cabdiqadir Iimaan, iyo Kaltuun Sheekh Xasan oo iyagu markii hore kamid ahayd dalada NEGAAD halkasina ka keen urur iyadu leedahay.
Ururada ayaa habayareetee wax wacyi galin ah ka fulin guud ahaan deegaanada gabiley, marka laga reebo laba urur oo makarafoona aan maqalkoodu saxnayn la dhex wareegayay gudaha magaalada gabiley.
Dhanka komishanka doorashooyinka ayaa meesha ka saaray dhawr goobood oo sanaadiiqda la dhigi jiray kuwaasi oo aan la shaacin ujeedada ay uga saareen liiska
Goobaha ayaan la sheegay in ay tiradoodu tahay 4 afar goob dhaamana ku yaala waqooyiga magaalada gabiley.
sidoo kale waxaa meesha laga saaray xubnaha komishanka uga wakiil ahaan jiray gabiley iyadoo aanay jirin xarun ay ku shaqeeyaan iyo awood ay ku leeyihiin shaqada socota ismarkaana ay kolba fuliyaan amarka laga soo faro gobolka saaxil
xogahan ayaa intaa ku daray in gabi ahaanba gaadiidka ka shaqaynaya diwaangalinta gabiley laga keenayo hargaysa taasi sida wararku xuseen ay xubnaha komishanka siiyeen cid ay sigaara u naasnuujinayaan arinta iyo arimo kale o ay gudida komishanku kula dhaqmeen gobolka gabiley oo xataa ay xaqireen gobolnimadiisii iyaga oo sheegay in ay u aqoonsan yihiin degmo maroodi jeex kamida,
wararka aanu ka helayno habka ay komishank ula dhaqmeen magaalada gabiley ayaa keenatay in laga cabsi qabo in abuurto kacdoono lagu diidan yahay habdhaqanka komishanka iyo sida ay u musuq maasuqeen taasi oo ilaa habeen kii xalay ahaalaga dareemayo abaabulka dhalinyaro oo lagu diidan yahay habka loo musuqay shaqaalaha iyo gadiidka in ay isku abaabulayaan sidii ay kacdoono lagu diidan yahay ay ugaga hor iman lahaayeen lagana yaabo in ay hakan ku keento bilowga shaqada diwaangalinta
sidoo waxaa iyana laga dayriyay sobobta ay komishanku uga tageen goobo muhiima iyagoon sheegin sobobta ku ka liftay in ka saareen liiska sanaaquuda oo ay hore uga mid ahayd,
WAJAALENEWS DESK
GABILEY OFFICE