WAJAALE NEWS

Komishanka Doorashooyinka Oo Aan Wali Xafiis ku lahayn Gabiley Iyo Laba Kamida Hawlwadeenada Oo Sifo Sharci Daro ah Shaqadii lagaga Caydhiyay +Saamaynta ay ku Yeelan Doonto Kaadh Qaadasha Oo Bari ka Bilaabmaysa!!

GABILEY(W,N)  Gudiga doorashooyinka Qaranka Somliland ee xiligan ayaan gabi ahaanba xafiis aan ka furan gobolka Gabiley ilaa xiligan halka komihsnakii ka horeeyay ay ku lahaayeen xafiis shaqaynaya iyo maamul dhamaystiran.

Sidoo kale  komishanka doorashooyinka ayaa dhawaan si sharci daro ah shaqadii kaga caydhiyay laba masuul oo ka mid ahaa xubnihii imtixaanka u galay boosaskan ay ku fadhiyeen halka dhinaca kale aan la taabanin xubnihii kale ee ay isku xiligan shaqada bilaabeen.

Labadan masuul ee sida sharci darada lagaga caydhiyay shaqadii ay hayeen ayaa kala ahaa xoghayihii komishan gobolka Gabiley Samatar yuusuf  iyo Mahad Maxamed Nuux oo ahaa madaxa hubinta gobolka ee komishanka,

Dhanka komishanka doorashooyinka ayaa sifo aan waaa faqsanayn nidaamka loo buuxinayay labadan u maray hab khaldan kaasi oo ay toos suuqa looga soo magacowday xubno kale oo ay sheegeen in ay buuxinayaan labadan boos

Talaabadan hoosta loogu dhigay habkii ay u shaqayn jireen komishanka gobolka Gabiley iyo kala xigtaysiga shaqaalaha ayaa waxaa  hurmood u ah   xubinta   kasoo jeeda galbeedka Hargaysa taasi oo ah haweenayda lagu magacaabo  Kaltuun Sheekh Xasan.

Waloow aan wali si cad loo haynin arimaha u kali fayn in ay si gaara u ucadaadiso Gobolkii ay kasoo jeeday iyadoo waliba wacyigalinta lafteeda ururada la siiyay ku xulatay qaab ku salaysan eex ,iyo Dan gaara

komishanka doorashooyinku si fiican uga shaqayn tan iyo intii ay yimaadeen kooxda xiligan gacanta ku haysa, Halka  khilaafkan xafiis La,aanta iyo Eriga shaqaalihii hore ayaa saamayn xoogan ku yeelan doonta kaadh bixinta Gabiley  iyadoo shacabka reer Gabiley ay hore u saluug sanaayeen tirada guud ee gobolka iska diiwaan galisay balse xiligan ayaa iyana laga cabsi qabaa in ay guud ahaan bulshada  gobol aanay sifiican u qaadanin kaadhka.

Bulshada ku dhaqan Gobolka Gabilay ayaa hore u waayay   xuquuqdii ay u lahaayeen in ay si dhamaystiran isku diiwaan galiyaan taasi oo ay ugu wacnayd iyada oo aanay xiligaas jirin ikaaniyaadkii loogu talo galay  oo habayaraatee wax wacyigalina aan laga samayn,waxaana imika muuqata in sidaas si la mid ah dhacdo oo ay Bulshada reer Gabilay aanay helin kaadh qaadasho kaamila.

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version