komishanka Doorashooyinka Oo Xaqiray Xuquuqdii Gobolka Gabiley Shaqaalihii Iyo Ururadii wacyigalinta Dusha kaga keenay Iyo kacdoonada ka dhashay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
komishanka Doorashooyinka Oo Xaqiray Xuquuqdii Gobolka Gabiley Shaqaalihii Iyo Ururadii wacyigalinta Dusha kaga keenay Iyo kacdoonada ka dhashay.
March 11, 2016 - Written by Editor:

Fadeexadaha ka Dhashay  Habka ay komishanka Doorashooyinku Umaamuleen Qaabka Loo Wacyigalinta Bulshada Reer Gabiley Iyo Afar  goobood oo ay ka sareen liiska Goobihii Hore +kacdoonka Dhalinyarada Gadiidlayda Oo laga Dareemayo Gobolka

KALTUUN

GABILEY(Wajaalenews) Tan iyo intii lamagacaabay gudida komishanka doorashooyinka ayaa marba marka ka danbaysa soo if baxaysay habka musuq maasuq ee ay lasoo baxeen iyo dhamaan xubnaha komishanka oo iyagu isku badalay ururo iyo qandaraas qatayaal ku mashquulay kala horor siga sidii ay mashaariicdii la bixin lahaa ay u kala qaybsan lahaayeen,

gabiley

Arimahaasi iyo qaar kale oo dul hoganayay komishanka qaranka ayaa bedka soo dhigay habka ay u maamuleen qaarkamida gobolka dalka iyo tan gabiley oo noqotay mid fashilisa qorshayaashoodii,

komishanka Doorashooyinka qaranka ayaa sifo xaqiraad iyo maroorsi ah ula dhaqay gobolka gabiley sio kale waxay gabi ahaanba meesha ka saareen in dadwaynaha ka hor maalinta ay diwaangalintu bilaabmayso la wacyi galiyo

Kadib Markii loo maray sifo musuqmaasuqa si hoosena loo siiyay sedex urur oo ka kala socday gudoomiyaha komishanka, Cabdiqadir Iimaan, iyo Kaltuun Sheekh Xasan oo iyagu markii hore kamid ahayd dalada NEGAAD halkasina ka keen  urur iyadu leedahay.

Ururada ayaa habayareetee wax wacyi galin ah ka fulin guud ahaan deegaanada gabiley, marka laga reebo laba urur oo makarafoona aan maqalkoodu saxnayn la dhex wareegayay gudaha magaalada gabiley.

Dhanka komishanka doorashooyinka ayaa meesha ka saaray dhawr goobood  oo sanaadiiqda la dhigi jiray kuwaasi oo aan la shaacin ujeedada ay uga saareen liiska

Goobaha ayaan la sheegay in ay tiradoodu tahay 4 afar goob dhaamana ku yaala waqooyiga magaalada gabiley.

sidoo kale waxaa meesha laga saaray xubnaha komishanka uga wakiil ahaan jiray gabiley iyadoo aanay jirin xarun ay ku shaqeeyaan iyo awood ay ku leeyihiin shaqada socota ismarkaana ay kolba fuliyaan amarka laga soo faro gobolka saaxil

xogahan ayaa intaa ku daray in gabi ahaanba gaadiidka ka shaqaynaya diwaangalinta gabiley laga keenayo hargaysa taasi sida wararku xuseen ay xubnaha komishanka siiyeen cid ay sigaara u naasnuujinayaan arinta iyo arimo kale o ay gudida komishanku kula dhaqmeen gobolka gabiley oo xataa ay xaqireen gobolnimadiisii iyaga oo sheegay in ay u aqoonsan yihiin degmo maroodi jeex kamida,

wararka aanu ka helayno habka ay komishank ula dhaqmeen magaalada gabiley ayaa keenatay in laga cabsi qabo in abuurto kacdoono lagu diidan yahay habdhaqanka komishanka iyo sida ay u musuq maasuqeen taasi oo  ilaa habeen kii xalay ahaalaga dareemayo  abaabulka dhalinyaro oo lagu  diidan yahay habka loo musuqay shaqaalaha iyo gadiidka in ay isku abaabulayaan sidii ay kacdoono lagu diidan yahay ay ugaga hor iman lahaayeen lagana yaabo  in ay hakan ku keento bilowga shaqada diwaangalinta

sidoo waxaa iyana laga dayriyay sobobta ay komishanku uga tageen goobo muhiima iyagoon sheegin sobobta ku ka liftay in ka saareen liiska sanaaquuda oo ay hore uga mid ahayd,

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

 

COMMENTS
LINKS