WAJAALE NEWS

Dadweynaha Reer Gabiley Oo Ka Biyo Diidey Habdhaqanka Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka iyo Xubnaha Gudida Oo Dhegaha Ka Fureystey.

Gabiley(W,N)-Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka Qaranka Cabdiqaadir Iimaan iyo Xubnaha kale ee Gudida Doorashooyinka ayaa, guud ahaanba dhegaha ka fureyste Cabasooyinkii Qeylo dhaanta ahaa ee Shacbiga Reer Gabiley ka bixiyeen hal Sanduuq oo Gobolka oo dhan Loogu Reebay Diiwaangalintii Codbixiyayaasha.

Qeybo badan oo kamid ah dadweynaha Reer Gabiley ayaa siweyn uga deriyay habdhaqanka Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha wehelinaya oo ay ku tilmaameen in ay ku shaqeynayaan nidaam ka baxsan Cadaalada iyo aqoonta Deegaanada dalka iyagoo ku eedeeyay in ay kala jeclaysanayaan Dalkii islamaraana, Gobolka la raaciyay Diiwaangalinta ee Saaxil ay u sameeyeen Burdhaaf badan kadib markii ay uga tageen Sanaaduuq fara bada haseyeeshee Gabiley, ay ka weerareen dhinaco badan iyadoo habdhaqankooda loo tuhmey mid ujeedo leh marka loo eego Wacyigalinta, oo aheyd midii ugu liidatey ee dadka loogu wacyigaliyo Diiwaangalinta,Xaalada abaaraha ee Deegaanku kujiro oo aan waxba loo tixgalin iyo Sanaaduuqda Diiwaangalinta loo reebay oo mid kaliya lagu sheega Gobolka oo dhan.

“Horta Komishano badan Doorashooyin badan iyo Diiwaangaliniba hore wey inoo soo mareen laakiin maanta tani waatii ugu darneyd sababtoo ah Komishankani Gabiley ujeedo gaar ah ayey u leeyihiin taasina ma aha mid markhaati iyo cid kale loo doonayo marka laga soo bilaabo Wacyigalintii, Gobolka la raaciyey ee Saaxil oo Gabiley ku kala duwan yihiin Doorashooyinka, abaaraha oo aan wax tix galin ah lasiin iyo arimo badan oo kale run ahaantii Gudoomiyaha dad badanbaa sheegay oo xaqiiq sidii ay ugu dul duntey Shirkadii dhismaha ee Gudida loo saarey in Muranka Komishankaa inagaga yimaada in gartiisa lagu raagi, Reer Gabiley doorkan wey u adkeysan doonaan sida uu yeelay laakiin waayi mayno duudsiga uu diiwaangalinta ku sameeyay”Sidaa waxa Yidhi Aqoonyahan Maxamed Axmed Warsame oo kamid ah Dadweynaha Reer Gabiley.

Dhinaca kalena aqoonyahan badan ayaa wali qeylo dhaan ka bixinaya habdhaqanka Diiwaangalinta ee Komishanka Doorashooyinku ku sameeyeen Gobolka Gabiley iyagoo ku tilmaamay Sanduuqa Gabiley lagu reebay mid micno kale Xambaarsan.

Exit mobile version