Maansadan waxaa curiyay Suxufiga Hal’abuurka ah ee Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Murtida Maansadani xambaarsan tahay oo Guubaabo ah waxuu Bulshada S/land Abwaanku ku Baraarujinayaa in uu Dagaal wayn ku soo qaaday Nin Abwaanku ugu yeedhay Gumaystaha Qarsoon mar labaad Abwaanku waxuu Midhaha Maansadani Xambaarsantahay ku iftiiminayaa in uu Dalka S/land gudihiisa ku sugan yahay Nin iyo kooxo u adeega waxan uu ugu yeedhay Abwaanku Gumaystaha Qarsoon waxaanu ku Bilaabay Sidan
Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle 4669910
Gabaxow habeenadan
Moorada godkeediyo
Giganaha markaan dayay
Ama baadhay Googlaha
Guud ahaan aduunyada
Gabal dhiciyo waabari
Muslinkii gumaadiyo
Guluf iyo dagaaliyo
Gantaalaa ku dhacayoo
Qaraxyaa gilgilayoo
Gariirbaa ka baxayoo
Wanaagaa gabaabsiyay
Gadgadoonka waayuhu
Waa giraan wareegtee
Gogol xaadhka maansada
Hal xidhaale guunoo
Murti lagu gardaadshoo
Gobo”odiisa hoosiyo
Waxaan uga goleeyahay
Garashada dhalaankiyo
Ganbo dumar ku adagtoo
Garaadkoodu sixi karin
Gagadii abwaankiyo
Ninka golaha keenee
Garoonkana balaadhshee
Gaban waayaybaan ahay
Aniguna guyaal Shana
Waxaan baadi goobaa
Gumaystaha qarsoonee
Ku gadaaman noleshee
Hadaad gaadhi raacdiyo
Hadaad badaha gooshtiyo
Gooladaad ka laabtiyo
Dalkastood u guurtaba
Dadka gabi ahaantood
Garabkooga jeegee
Qofna aanu garanayn
Guuxaan maqlaayiyo
Goolaaftankuu wado
Waxuu uga goleeyahay
In uu xadhiga goostuu
Xeerkiyo garsoorkiyo
Golayaasha qarankaba
Gabi dheer ka xuuroo
Goldaloolo kaa helo
Waxaan gabaxow arkaa
Ninkaa kala goynayee
Hadana isku gaynayee
Gujada xisbigii ku wada
Gudaha ruuxaa ku jira
Guriga boqorkuu galaa
Gudoonkuna wuu yaqaan
Geediga isagaa la mara
Go’aanka isagaa la kaba
Waxuu gudbiyaa dhambaal
Golohu kalidii maqlaan
Guruub adagbuu dhistoo
Gidaar qariyaa jiroo
Waxuu isla gaabiyaa
Guntiisa in aan la helin
Gafkiisa inaan la arag
Gadood shacbibuu wadaa
Galbeed isagaa ku maqan
Waxuu u gudaa habeen
Heshiis maba galo iftiin
Bulshaa la gumaynayaa
Ragbaa u garaangaroo
Ragbaa galad siinayoo
Ragbaa u godaynayoo
Ragbaa sheekada ka gura
Gadaha mudo badan ka wayn
Ninkay u galaalayaan
Waa masuul gurguurtoo
Marna geedo fuuloo
Guushooda neceboo
Danta guud u daranoo
Danta gaara jeceloo
Dadka kala guraayoo
Madax badan galaaftoo
Gooni gooni ula faqa
Ninkay galad siinayaan
Waa masuul gardaranoo
Gayigeena nabada ah
Gubistiisa jeceloo
Bulsho lagu gabood falo
Gashi badan ku yeeshoo
Gasariiray waa hore
Ninkay u guclaynayaan
Waa masuul go’aansaday
Dalku in uu gumooboo
Gobol gobol u qaybshuu
Gacalkiyo sokeeyuhu
Ay kala go’aanoo
Giriyaad inaga dhigo
Mar labaadna gabaxow
Farta waxaan ku godayaa
Fanta gunudka hagayee
Gadaashiisa joogee
Gumaystuhu u soo diray
Garabyadan tartamayiyo
Gidi madax dhaqmeedkiyo
Garaadkiyo suldaankiyo
Guurtiyo wakiilkiyo
Odaygii gufaynlaa
Ma arkaan gafkiisoo
Badi wuu ka gaabsaday
Waana loo gargarayaa
Inkastuu gumaystuhu
Dhibtuu gaystay badan tahay
Gayaankiis ma waayoo
Gacantuu u haadshaa
Halkan lagu galbinayee
Gaaf iyo aroosiyo
Giblo looga tumayaa
Waa goob colaadeed
Dadkuu badi guneeyee
Hanti ugu gargaaraa
Maangaabka weeyoo
Gofanaha sidiisuu
Garashada ka nuugoo
Wanaaguu ka gudhiyoo
Gar ma qaate weeyaan
Inta gaaxda maansada
Guuluhu ku deeqow
Gumaystahan qarsooniyo
Bal gorfeeya xaajadan
MAANSADA GUMAYSTAHA QARSOON
ABWAAN SACAD X MAXMUUD GADHLE Tell 063’4669910