|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkan ka Akhri;Maansada Gumaystaha Qarsoon.
October 20, 2015 - Written by Editor:Maansadan waxaa curiyay Suxufiga Hal’abuurka ah ee Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Murtida Maansadani xambaarsan tahay oo Guubaabo ah waxuu Bulshada S/land Abwaanku ku Baraarujinayaa in uu Dagaal wayn ku soo qaaday Nin Abwaanku ugu yeedhay Gumaystaha Qarsoon mar labaad Abwaanku waxuu Midhaha Maansadani Xambaarsantahay ku iftiiminayaa in uu Dalka S/land gudihiisa ku sugan yahay Nin iyo kooxo u adeega waxan uu ugu yeedhay Abwaanku Gumaystaha Qarsoon waxaanu ku Bilaabay Sidan
Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle 4669910 Gabaxow habeenadan Moorada godkeediyo Giganaha markaan dayay Ama baadhay Googlaha Guud ahaan aduunyada Gabal dhiciyo waabari Muslinkii gumaadiyo Guluf iyo dagaaliyo Gantaalaa ku dhacayoo Qaraxyaa gilgilayoo Gariirbaa ka baxayoo Wanaagaa gabaabsiyay Gadgadoonka waayuhu Waa giraan wareegtee Gogol xaadhka maansada Hal xidhaale guunoo Murti lagu gardaadshoo Gobo”odiisa hoosiyo Waxaan uga goleeyahay Garashada dhalaankiyo Ganbo dumar ku adagtoo Garaadkoodu sixi karin Gagadii abwaankiyo Ninka golaha keenee Garoonkana balaadhshee Gaban waayaybaan ahay Aniguna guyaal Shana Waxaan baadi goobaa Gumaystaha qarsoonee Ku gadaaman noleshee Hadaad gaadhi raacdiyo Hadaad badaha gooshtiyo Gooladaad ka laabtiyo Dalkastood u guurtaba Dadka gabi ahaantood Garabkooga jeegee Qofna aanu garanayn Guuxaan maqlaayiyo Goolaaftankuu wado Waxuu uga goleeyahay In uu xadhiga goostuu Xeerkiyo garsoorkiyo Golayaasha qarankaba Gabi dheer ka xuuroo Goldaloolo kaa helo
Waxaan gabaxow arkaa Ninkaa kala goynayee Hadana isku gaynayee Gujada xisbigii ku wada Gudaha ruuxaa ku jira Guriga boqorkuu galaa Gudoonkuna wuu yaqaan Geediga isagaa la mara Go’aanka isagaa la kaba Waxuu gudbiyaa dhambaal Golohu kalidii maqlaan Guruub adagbuu dhistoo Gidaar qariyaa jiroo Waxuu isla gaabiyaa Guntiisa in aan la helin Gafkiisa inaan la arag Gadood shacbibuu wadaa Galbeed isagaa ku maqan Waxuu u gudaa habeen Heshiis maba galo iftiin Bulshaa la gumaynayaa Ragbaa u garaangaroo Ragbaa galad siinayoo Ragbaa u godaynayoo Ragbaa sheekada ka gura Gadaha mudo badan ka wayn
Ninkay u galaalayaan Waa masuul gurguurtoo Marna geedo fuuloo Guushooda neceboo Danta guud u daranoo Danta gaara jeceloo Dadka kala guraayoo Madax badan galaaftoo Gooni gooni ula faqa Ninkay galad siinayaan Waa masuul gardaranoo Gayigeena nabada ah Gubistiisa jeceloo Bulsho lagu gabood falo Gashi badan ku yeeshoo Gasariiray waa hore
Ninkay u guclaynayaan Waa masuul go’aansaday Dalku in uu gumooboo Gobol gobol u qaybshuu Gacalkiyo sokeeyuhu Ay kala go’aanoo Giriyaad inaga dhigo
Mar labaadna gabaxow Farta waxaan ku godayaa Fanta gunudka hagayee Gadaashiisa joogee Gumaystuhu u soo diray
Garabyadan tartamayiyo Gidi madax dhaqmeedkiyo Garaadkiyo suldaankiyo Guurtiyo wakiilkiyo Odaygii gufaynlaa Ma arkaan gafkiisoo Badi wuu ka gaabsaday Waana loo gargarayaa
Inkastuu gumaystuhu Dhibtuu gaystay badan tahay Gayaankiis ma waayoo Gacantuu u haadshaa Halkan lagu galbinayee Gaaf iyo aroosiyo Giblo looga tumayaa Waa goob colaadeed
Dadkuu badi guneeyee Hanti ugu gargaaraa Maangaabka weeyoo Gofanaha sidiisuu Garashada ka nuugoo Wanaaguu ka gudhiyoo Gar ma qaate weeyaan
Inta gaaxda maansada Guuluhu ku deeqow Gumaystahan qarsooniyo Bal gorfeeya xaajadan
MAANSADA GUMAYSTAHA QARSOON
ABWAAN SACAD X MAXMUUD GADHLE Tell 063’4669910 COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|