WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland Oo si Adag Uga Hortimid Go,aankii Golaha Wakiiladu Ku Laalay Arinta Hamaaha Shidaal Berbera kuna Tilmaantay Mid Sharciga Baalmarsan.

“Golaha Wakiilada JSL , Xaqna Uma Laha In Ay Ka Hadlaan , Ka Doodaan Ama Ay Yidhaahdaan Qaarar Ayaanu Ka Soo Saarnay Heshiis Aanay U Soo Gudbin Xukuumada JSL  Iyaga Oo Ku Shaqaynaya  Warar Ku Tidhi Teen Ah”Wasiirka Ganacsiga .

Hargeysa(Wajaalenews):-  Xukuumada Somaliland Ayaa Waxaa Ay Ka Hadashay Golaha Wakiilada Oo  Mooshin  Ay  Keenen Ku Laalay Xukuumada Oo Hamaaha Shidaalka Berbera Ka Kireysay  Shirkado Gaar Aha

Wasiirka Wasraada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Oo Warbaahinta Kula Hadley Maagalada Hargeysa Isla Markaana Soo Saaray War Saxaafadeed   Ayaa Waxaa Uu Sheegay  In Xukuumada Somaliland Aany  U Gudbin Golaha Wakiilada Hishiis Ay La Galeen Shirkadaas Gaarka Ah Isla Markaana Aanay Xaq U Laheyn Golaha Wakiiladu  In Ay Laalaan .

War Saxafadeedkan Wasiirku Soo Saaray  Waxaa Uu U Dhignaa Sidan .

Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga  Caalamiga Ahi Waa Wasaarada U Xilsaaran Qaranka Jamhuriyada Somaliland Maamulka Guud Ee Haamaha Shidaalka Berbera  Waxaa Ay Gali Karaan Hishiisyo Ganacsi  Iyo Maalgashi Iyada Oo Ka Wakiil Ah Xukuumada Jsl  , Arintaasina Waxaa U Baneeyey Distoorka Jamhuuriyada Somaliland  , Ma Jiro Heshiis Ku Saabsan Haamaha Kaydka Shidaalka Oo Aanu U Gudbiney Xukuumada  , Madaxweynuhuna U  Gudbiyey Golaha Wakiilada .

Sidaas Darteed La Garan Maayo Waxaa Ay Laaleen Golaha Wakiilada JSL , Xaqna Uma Laha In Ay Ka Hadlaan , Ka Doodaan Ama Ay Yidhaahdaan Qaarar Ayaanu Ka Soo Saarnay Heshiis Aanay U Soo Gudbin Xukuumada JSL  Iyaga Oo Ku Shaqaynaya  Warar Ku Tidhi Teen Ah .

 

Talaabadan Ay Maanta Qaadeenaa Waa Mid Khilaafsann Shuruucda Dalka Iyo Distoorka Jsl .

Talaabadan  Waxaa Ka Danbeeyey Qaar Ka Mid Ah Asxaabta Siyaasada Kumana Haboona In Horumarinta Mashaariicda Qaranka La Isku Hor Taago Oo Lagu Caqabadeeyo Dano Siyaasadeed Oo Gaar Ah .

Xukuumada Somaliland Waxaa Ka Go,An In Ay Dadaal Walba U Gasho Sidii Bulshadan Loo Horumarin Lahaa

Allaa-Mahad Leh .

Muuse Qaasim Aw Cumar .

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga.

 

Exit mobile version