|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo si Adag Uga Hortimid Go,aankii Golaha Wakiiladu Ku Laalay Arinta Hamaaha Shidaal Berbera kuna Tilmaantay Mid Sharciga Baalmarsan.
August 30, 2015 - Written by Editor:“Golaha Wakiilada JSL , Xaqna Uma Laha In Ay Ka Hadlaan , Ka Doodaan Ama Ay Yidhaahdaan Qaarar Ayaanu Ka Soo Saarnay Heshiis Aanay U Soo Gudbin Xukuumada JSL Iyaga Oo Ku Shaqaynaya Warar Ku Tidhi Teen Ah”Wasiirka Ganacsiga . Hargeysa(Wajaalenews):- Xukuumada Somaliland Ayaa Waxaa Ay Ka Hadashay Golaha Wakiilada Oo Mooshin Ay Keenen Ku Laalay Xukuumada Oo Hamaaha Shidaalka Berbera Ka Kireysay Shirkado Gaar Aha Wasiirka Wasraada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Oo Warbaahinta Kula Hadley Maagalada Hargeysa Isla Markaana Soo Saaray War Saxaafadeed Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Xukuumada Somaliland Aany U Gudbin Golaha Wakiilada Hishiis Ay La Galeen Shirkadaas Gaarka Ah Isla Markaana Aanay Xaq U Laheyn Golaha Wakiiladu In Ay Laalaan . War Saxafadeedkan Wasiirku Soo Saaray Waxaa Uu U Dhignaa Sidan . Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Ahi Waa Wasaarada U Xilsaaran Qaranka Jamhuriyada Somaliland Maamulka Guud Ee Haamaha Shidaalka Berbera Waxaa Ay Gali Karaan Hishiisyo Ganacsi Iyo Maalgashi Iyada Oo Ka Wakiil Ah Xukuumada Jsl , Arintaasina Waxaa U Baneeyey Distoorka Jamhuuriyada Somaliland , Ma Jiro Heshiis Ku Saabsan Haamaha Kaydka Shidaalka Oo Aanu U Gudbiney Xukuumada , Madaxweynuhuna U Gudbiyey Golaha Wakiilada . Sidaas Darteed La Garan Maayo Waxaa Ay Laaleen Golaha Wakiilada JSL , Xaqna Uma Laha In Ay Ka Hadlaan , Ka Doodaan Ama Ay Yidhaahdaan Qaarar Ayaanu Ka Soo Saarnay Heshiis Aanay U Soo Gudbin Xukuumada JSL Iyaga Oo Ku Shaqaynaya Warar Ku Tidhi Teen Ah .
Talaabadan Ay Maanta Qaadeenaa Waa Mid Khilaafsann Shuruucda Dalka Iyo Distoorka Jsl . Talaabadan Waxaa Ka Danbeeyey Qaar Ka Mid Ah Asxaabta Siyaasada Kumana Haboona In Horumarinta Mashaariicda Qaranka La Isku Hor Taago Oo Lagu Caqabadeeyo Dano Siyaasadeed Oo Gaar Ah . Xukuumada Somaliland Waxaa Ka Go,An In Ay Dadaal Walba U Gasho Sidii Bulshadan Loo Horumarin Lahaa Allaa-Mahad Leh . Muuse Qaasim Aw Cumar . Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga.
Related posts:DAAWO;-Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari Oo Ka Hadlay Kulankii Madaxwaynayaasha Jsl Iyo DDSI, Soona Dhawe... HALKAN KA DAAWO KULAN DHEXMARAY WAFTI WASIIRO AH SOMALILAND IYO XUBNO KA MIDA WASIIRADA DALKA JABUU... Guddoomiyaha SONYO Oo Xaaladda Tahriibta Somaliland Ku Soo Bandhigay Shirweynaha Caalamiga Ah Ee Dha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|