Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland Oo Furay Carwadii Lixaad Ee Somaliland Daawo Sawirada.
Hargaysa(Wajaale News):- Carwadii 6aad Ee Ganacsiga oo sanadkiiba Hal Mar La qabto Ayaa Maanta Lagu Soo Bandhigay Huteel Guuleed ee Magaalada Hargaysa,Waxaana Xadhiga Ka Jaray Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici. Munaasibada loo sameeyey Furitaanka Carwadan ayaa waxa kasoo qayb galay Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland , Wasiiro, Aqoonyahan Iyo Shirkado Waawayn Oo Iyaguna kusoo Bandhigay Waxqabadka ay bulshada usoo Gudbin doona sanadka Cusub Ee Maanta Curtay. Carwadan ayaa Waxaa Ganacsigooga Ku soo Bandhigay In Ka Badan 100 Shirkadood Kuwaas oo Isugu Jira Ku Waawayn Iyo Kuwo Yar Yar. Ugu Horen Waxa Halkaasi Ka Hadlay Cali Cumar Guuleed oo halkaasi Ka jeediyey Kalmad soo dhawayn ah waxaana uu yidhi?dhamaan waxaan marka hore Halkan kusoo dhawaynayaa Masuuliyiinta Uu Hor Kacayo Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylci Intaas Ka Dib Waxaan Idinku Soo Dhawaynayaa Dhamaantiin Carwada 6aad Oo Maanta Sanadkii Cusbaa ku soo Beegantay oo uu Madaxwayne Ku Xigeenku Xadhiga inooga jari doono, Mar Waan yar Baqay oo Sidii Maxamuud Xaashi Oo Madaarka Wax badan Uqabtay Ayaan Is Idhi Bilaad Ku Fashilantaa Lakiin Waan Ku Calool Adayga Oo Waanigaas Maanta Ka Midho Dhaliyey. Dhinaca Kale waxa Usoo dhaweeyey Cali Cumar Guuleed Mulkiilaha Hotel Guuleed Shirkadaha Ugu Waawayn oo uu sheegay In ay gacan Wayn Ka Gaysteen Sidii Ay Usuurta Gali Lahayd Carwadani Waxaana uu yidhi?waxaan Soo Dhawaynayaa Shirkadaha Dalka Udub Dhexaadka U ah Kuwaas Oo Kala Ah,SBI,Dahabshiil,Telesom,Xarbi Group Iyo Inkale Oo Badan. Sidoo Kale Waxa iyaguna Halkaas ka Hadlay Dhamaan Masuuliyiinta Ka Kala Socday Shirkadaha Waawayn Oo Sheegay In Ay Bulshada sanadka Cusub Ka Haqab Tiri Doonaan Adeegyada Cusub Ee Ay Ugu Talo Galeen kuwaas oo noqon doono kuwa qanciya. Waxa isna Halkaas Ka Hadlay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Maxamed Shugri Jaamac Waxaan Uu Sheegay In Ay Rugta Ganacsiga Hawlo Badan Usoo Martay Sidii Ay u hirgalin lahayd qabsoomida Carwadan Lixaad oo uu xusay In ay Dhawr Jeer Dib U Dhac ku yimi isla markaana ay la sugayeen in ay ku beeganto sannadka cusub Waxaana Uu Yidhi? Maanta waxa ii weeyaan Maalin Farxadeed Waana Maalin Waxaanu Soo Wadnay In Badan Aanu Maanta Midho Dhalkeedii Taaganahay, Waxaan Hanbalyo Udirayaa Dhamaan Ganacsatada Halkan Maanta Ganacsigooga Kusoo Bandhigaya. Sidoo Kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri Jaamac Oo Hadalkiisa sii wataa uu sheegay ?Rugta Ganacsiga Somaliland Sida Ku Cad Dastuurka Rugta Ganacsiga somaliland ee ay dhaqan-galiyeen Baarlamaanka Waxa Carwadan Masuuliyada qabashadeeda iska leh rugta Ganacsiga iyo beeraha somaliland sannadkiiba mar sidaas aawadeedna anaga oo mahad naqa gaar ah siinayna cidii gacan ka gaysatay iyo cidii maal ka gaysatayba waxaan leeyahay ganacsatada reer somaliland waa Uman-fac Dalkana waa U Magac. Sidoo Kale waxa isna Halkaasi Ka Hadlay Wasiirka Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur Waxaan Uu Tilmaamay inuu aad ugu mahad naqayo dhamaan masuuliyiinta kasoo qayb-gashay iyo intii gacan ka gaystay iyo intii isku hawshay in ay suuro gasho Carwadii 6aad Oo Maanta oo sanaadka cusubi bilow yahay ku begantay ?Maanta waxa ii Farxad ah inaan Kasoo qayb galo Carwada 6AAD Oo Maanta Oo Sanadkii Cusbaa ah Si Rasmi ah Uga Hirgashay Magaalada Hargaysa Gaaro Ahaan Huteel Guuleed . Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Bashiir Cabdi Xariir oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa Yidhi ?Carwadeenii ganacsi waxaynu maanta ku soo bandhigaynaa horumarkeenii, waxaanu ku soo bandhigaynaa awoodeeni,waxaanu ku soo bandhigaynaa ganacsigeenii, mudooyin badan waxa aynu ka waranay madaxbanaanida somaliland inta marxaladood ee ay soo martay, balse waxa ka marxalad adag ganacsiga somaliland inta marxaladood ee uu soo maray waxa ay soo mareen oo ay kasoo bilaabeen halka ugu hoosaysa halkan maanta aynu joogno laguma gaadhin ciyaar ciyaar waxaay kusoo gaadheen dadaal badan oo ay sameeyeen. Gabagabadii Carwada Lixaad ee Somaliland waxa furay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) waxaana Uu Yidhi?Waxa dhamaanteen Inoo Farxad Ah in aynu kasoo qayb galo carwdii 6aad oo aynu ku bandhigayno ama Caalamka Ku Tusayno Halka Maanta Nabadeena Iyo horumarkeenu Uu Gaadhsiisan yahay,marka koobaad waxaan umahad naqaya Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Intii Hawsha la waday iyo walaalkeen Cali Cumar Guuleed Oo Isna Hawsha baaxadaas leeg Diyaariyey,waxa kale oo Iyana mahad naqa iga mudan wasaarada ganacsiga somaliland iyo wasaarada warashadaha oo Iyana ay hoos imaadaan ganacsigu ama warshadaha dalka xidhiidh toosana la leh,Runtii waxa aynu ku faano oon kawna inoo ahayn waa Carwadan oo ah carwdii 6aad oo midba ta kale ka sii wanaagsan tahay. Madaxweyne somaliland oo ka hadlayey kaalinta somaliland uu kaga jiro ganacsigu ayaa waxa uu yidhi? Ganacsigu waxa aynu ognahay inuu yahay laf-dhabarta dalka somaliland Ganacsiga somaliland siday kusoo caano maasha waxa weeyaan ganacsi xor ah oo sida uu dastuurka somaliland uu dhigayso lagu dhaqmo , Ganacsigu waxa uu kordhiyaa oo uu wax ka taraa dhaqaalaha dalka waxa uu shaqooyin u abuuraa dhalinteena yar yar ee dalka Maanta Usoo Kacaysa,Meel Shaqo Taalo oo La ganacsanayo waxa weeyaan dal amni ah. Dhinaca kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku ka hadlay doorka xukumada ee ganacsiga xorta ah ? Ka Dawlada ahaan Markasta anagu waxaanu diyaar U nahay inuu Dhiiri Galino Ganacsiga Xorta ah,Shuruucda dalka u taalana Shacab Iyo Dawladba Inaanu Taageero Ayaa Loo Baahanyahay Shurcuuda dalkana aynu Xaq-dhawrno ayaa loo baahanyahay. Dhinaca kale waxa uu Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Ka Hadlay Mudaharaadkii Lagaga Cabanayey Biyo La,aanta ayaa waxaana uu yidhi Booyadihii Joojiyey Biyo Dhaaminta Iyana waxa ay mareen wada qaldan hadii Maanta la yidhi dalkii Ha la dhiso,Ileyn Cashuurta Yare ee aynu iska qaadno ayeynu dalkeena ku dhisanaaye Hadii Maanta la yidhi wax aynu wada qabsano waxa dhib ah kumay jirin ee booyaduhuna waxa ay mareen wada qaldan, Waxa aynu nahay dal yar oo soo koraya oo aan wali beesha caalamka ka helin ictiraaf dhab ah sidaas awgeeda hadaynu nidhi waxeena aynu meel ku farsamayno wax dhib ah kuma jiraan ee dalka maanta waa la wada dhisayaaye nin walowba Heegaan Buuxa ugu jir.
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane