WAJAALE NEWS

Taariikhda Xuutiyiinta Iyo Dagaalada Yeman

Xuutiyiitu waa dhaqdhaqaaq shiico ah oo ka soo baxay gobolka waqooyiga yeman ee Sacda, gudaha Yeman waxa looga yaqaan kooxdan xuutiyiin iyadoo loogu magac daray hogaamiyahoodii ruuxiga Badru Diin Xuuti waxa kale oo loo yaqaan dhaqdhaqaaqa Ansaar Islaam Ama Dhlainyarada Muminiita.

Barbaaristii Xuutiyiinta

Kooxdani waxay soo baxday sanadkii 2004, wakhtigaasoo ay iska horimaadyadii ugu horreeyay la galeen ciidamada dowlada yeman.

Sideetamaadkii qarnigii 20aad waxa la asaasay koox lagu magacaabo Midowga dhalinyarada, kooxdani waxay ahaayeen Yasiidiyiin wax ka barata dugsi uu dhigo Salaax Axmed Fatiila waxay ka aasaasantay cabudhin dhinaca xoriyada ah hanjabaad caqiidada ah iyo dhaqanka kooxaha Sayidiyiinta oo aan ahmiyad badan la siin.

Aragtida Ay Rumaysnaayeen

Ilaha qaar ayaa kooxda ku tilmaamaya inay ka mid yihiin 12ka imaam ee shiicada oo ay hoos tagaan laakiin xuutiyiintu aragitidan way beeniyaan waxaanay sheegaan inaanay ka noqon mad-habtooda Alzaydia laakiin ay ku kulmaan shiicada arrimo ay ka mid yihiin xuska maalinta cashuura.

Badru Diin Al Xuuti oo ka mida cullimada waawayn ee mad-habta Sayidiya ayaa saamayn ku lahaa bilawgii iyo aasaaskii kooxda Ilaa markii la aasaasay xuutiyiintu waxay dalbanayeen in mad-habta Saydiyada dalka yeman looga aqoonsado mad-hab rasmi ah oo mida tan Shaaficiga iyo inay helaan xaqa ay u leeyihiin in loo sameeyo dugsiyo kulliyado iyo machadyo lagu barto culluumta kala gadisan laakiin dowlada yemaneed way ka dhego adaygtay iyadoo rumaysnayd inay maamulka gacanta u galinayaa ragga ahlu diinka ah.

1990kii markii labada yemanood ay midoobeen midowgii dhalinyarada Yadiidiyiinta ee ku koobnaa waxbrashadu wuxuu isku rogay urur siyaasadeed waxaanay ka faa’iidaysteen nidaamkii xisbiyada badan ee laga hirgaliyay wakhtigaa dalka yaman sanadkii 1992kii Maxmed Badru Diin Al Xuusi wuxuu aasaasay kulanka dhalinyarada muminiinta.

Sanadkii 1997kii ururkan oo ahaa mid dhaqan ayaa noqday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo la yidhaa ururka dhalinyarada muminiinta sanadkii 2002 waxay samaysteen halku dhega ah Allaa wayn maraykan ha dhaco israa’iil ha dhacdo Yuhuuda cadho Alla haku dhacdo muslinku ha guuleeysto iyagoo salaad kasta markay tukadaan ku celcelina erayadan.

Dowlada yaman waxay xuutiyiinta u diiday inay halku dhegyadaa ka akhriyaan masaajiida taasina waxay ka mid ahayd sababihii u horreeyay ee ay iskaga horyimaadeen xuutiyiinta iyo dowlada yaman.

Iska horimaadyadii u horreeyay markii ay dhaceen xuutiyiinta waxa hogaaminayay Xuseen Alxuusi oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka yaman oo la doortay 1993kii –1997kii sanadkaa gudihiisa Xuseen Al Xuusi waxa lagu dilay iska hor imaadyo dhexmaray xuusiyiinta iyo dowlada yaman, hogaanka xuutiyiinta waxa ka wareegay aabihii Cabdi Malik Al Xuusi, Isagan waxa uga sii danbeeyay wiilkiisa yar ee Cabdi Malik Al Xuusi.

Intaa ka dib xuutiyiinta iyo dowlada Yaman waxa dhexmarayay iska hor imaaadyo socday ilaa sanadkii 2011kii, sanadkii 2009kii waxay iska hor imaadyo ku dhex mareen gobolka Sacda ciidamada Sucuudiga iyo Xuutiyiinta Sucuudig waxay ku eedeeyeen xuutiyiinta inay hub ka helaan Iiraan oo khatar galinaya deganaanshaha iyo nabadgelyada Sucuudiga dhowr jeer waxay dowlada yaman xidhay dad ay ku eedeysay inay xidhiidh la leeyihiin iiraan, 2011kii markii ay bilaabmeen kacdoonadii lagaga soo horjeeday Cali Cabdla Saalax Xuutiyiintu waxay ka qayb galeen mudaharaadka waxay saxeexeen heshiiskii January 2014kii.

Xuutiyiintu waxay ku gacan saydheen heshiiiskii hub ka dhigida waxaanay dagaal la galeen ciidanka xukuumada Yaman oo ku sugnaa magaalada Cimraan ee waqooyiga Yaman halkaasoo xarun u ahayd qabiilka Binu Axmar ee uu ka soo jeedo Cali Cabdala Saalax dagaalkani wuxuu ku dhamaaday in Xuutiyiintu ay magaalada qabsadaan.

Cabdi Rabi wuxuu ku eedeeyay xuutiyiinta inay dagaal ka holcinayaan Yaman waxaanu balanqaaday inuu ka saarayo mandaqada Cimraan intaasi kadib xuusiyiinta taageerayaashoodu waxay galeen caasimada waxaanay bilaabeen mudaharaadyo ay kaga cabanayaan sixirka waxayna dalbadeen ugu danbayntii inuu is casilo madaxwaynuhu, 21kii September waxay qabsadeen xarumihii dowlada ee magaalada Cadan iyo xarumihii wasaaradaha oo ay ka mid tahay wasaarada Gaashaandhiga iyo goobo istiraataji ah oo uu ka mid yahay bangiga dhexe waxayna qabsadeen guryihii wasiirada iyo masuuliyiinta sare ee xukuumada.

Culays badan oo kaga yimi dhinaca kooxdan ayay isku casishay xukuumadii uu madaxda ka ahaa Maxamed Saalim balse Khaalid Baxaax ayaa loo doortay inuu soo dhiso xukuumad midnimo qaran iyana waxay isu casishay caddaadis kaga yimid dhinaca xuutiyiinta, 22kii January waxa is casilay Cabdi Haadi Mansuur oo ay gurigiisa ku xidheen xuutiyiintu markii uu diiday inuu fuliyo waxyaabihii ay ka dalbadeen, 22kii February Cabdi Haadi Mansuur wuxuu ka baxay faraha xuutiyiinta waxaanu tagay magaalda Cadan isagoo sheegay inuu ka noqday iscasilaadiisii, xuusiyiintu waxay weerar balaadhan ku qadeen cadan waxaanay madaaafiic ku garaaceen gurigii uu deganaa Cabdi Haadi Mansuur, 26kii march habeen khamiis ah galinkiisii danbe ayay xulafada uu sucuudigu hogaaminayaa weerar ku qaadeen xuutiyiinta iyo ciidamada Cali Cabdla Saalax iyagoo ka jawaabaya dalab uga yimid Cabdi Haadi Mansuur si loo badbaadiyo dalka Yaman iyo shacbigiisaba.

 

waxa diyaariyey Axmed Ismaacil Xasan {Bucul}

dabataaxan5@gmail.com

Exit mobile version