WAJAALE NEWS

Markab Siday Qaxooti Ka Yimi Yeman Oo Tiradoodu Dhan Tahay 1,238 oo Soo Gaadhay Dekada Berbera.

Berbera(wajaalenews)-Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland ayaa waxaa kusoo xidhay maanta markab sida 1,238 qof oo ah Qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo kasoo cararay colaadaha Yemen ka socda.

Maareeyaha Guud ee Dekedda Berbera, Inj. Cali Xoorxoor oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta Somaliland ee soo dhaweeyay dadkan ayaa u sheegay BBC-da in xilligaan oo kulul ay u fidiyeen dadkaas markii ay soo dekedda adeegyadii ay baahnaayeen oo dhan.

Dadkan Qaxootiga ah waxay u badan yihiin Soomaalidii muddada dheer ku jiray xeryaha Qoxootiga Yemen. Waxaa la dejiyay xarun ay ku nastaan mudd saddex maalmood ah kadibna ay u kala ambabixi doonaan gobollada koonfurta Somalia.

Qoxootigan gaar ay Berbera ayaa noqonaya kuwii labaad oo halkaas gaara tan iyo markii maamulka Somaliland uu dhawaan ka laabtay hadal muran badan dhaliyay oo ay ku sheegeen inaysan qaabilnayn Qoxootiga Soomaaliyeed ee kasoo cararaya dalka Yemen.

Ugu dambeyn, maareeyaha dekedda Berbera ayaa sheegay in illaa iyo intii uu billowday dagaalka Yemen bishii Abriil ee sannadkan ay Dekedda Berbera soo Gaareen Qaxooti gaaraya 9,000 oo Qof oo isugu jira Soomaali iyo Yemeniyiin.

Hargeisa Office

Wariye Abuu Maxfuud

Exit mobile version