WAJAALE NEWS

Amiir U Dhashay Dalka Sacuudiga Oo Ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed

Riyadh,(W,N)-Amiir Mansuur Bin Maqran oo ahaa ku xigeenka Amiirka mandiqada Casiir ayaa ku geeriyooday shil Diyaarad oo nooca hilokobtarka ah, waxayna ku burburtay Konfurta Sacuudiga oo dhacda Xuduuda sacuudigu la leeyahay dalka Yeman.

 

Wakaaladda wararaka rasmiga ah ee Sacuudiga(WAS) ayaa soo warisay in Amiirka dhintay uu xiligaasi ku jiray kormeer mashaariic horumarineed ee ka socotay Xeebaha bari ee magaalada Abha,waxaana la sheegay in xidhiidhkii diyaarada shilka gashay ee amiirku la socoday uu go’ay xilli ay maraysay meel u dhaw halka lagu magacaabo Rida.

Masu’liyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in diyarada uu la socoday Amiirka geeriyooday lagu dhuftay Gantaal laga soo tuurray dhanka dalka Yeman, kadib waxaa la maqlayay qarax aad u xoog badan oo ka dhashay diyaaradda meel u dhaw garoonka Diyaaradaha ee Boqor Khaalid ee magaalada Riyaad.

Sida laga warqabo Dowladda Sacuudiga ayaa waxay hogaaminaysaa xulifada dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta ah ee Yeman.

 

Exit mobile version