WAJAALE NEWS

Muuqaalka Iyo Magacyada Masuuliyiinta Ugu Awooda Badan Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo

Muuqaalka Iyo Magacyada   Masuuliyiinta Ugu Awooda Badan Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo

Mar hadii xukunkaaga

Xigtadaada qabiilkiyo

Xurmo ay talinaysoo

Xilka kaala wareegtay

Xaalku sow eber maaha

Mar hadii xukunkaaga

Xeeladaada hogaanka

Xubno uu u nuglaado

Xorna ay ku noqdaan

Xilku sow mahabaabin

Mar hadii xukunkaagu

Xubnahaad magacawdiyo

Xafiisyadaada dhamaan

Xafiiltan uu ka dhaxeeyo

Xogtu sow bixi mayso

Xukuumada Kulmiye waxay la kowsatay kacaa kuf iyo kala qaybsanaan iyadoo lagu tilmaami karo Xukuumad jaantaa rogana oo jiibta iyo jaanta aan isla helin, waa Xukuumad dabarka iyo xakamaha goosatay oo ku dhaqanka Xeerarka iyo Sharciyada dalka ku xajiimoota,

Sidoo kale xukuumada kulmiye waxay u xoog badan tahay burburinta Hanaanka Dimuqaadiyadeed ee Dalka ka hana qaaday waxaynay u tafo xaydatay soo nolaynta iyo dardar galinta Qabyaalada iyadoo sobobtay burburka dhaqan iyo dhagxumooyinka ku dhacay beelihii taageeray ee sobobta u ahaa kuraasta ku fadhiyaan.

Sidoo kale waxaa hubaala faro galinta Golaha Xukuumadu ku hayaan Golayaasha Garanka sida GolahaGuurtida,Golaha Wakiilada,Golayaasha Deegaanka faro galinta ayaa ah mid saamayn badan ku leh una sobobtay Golayaasha Qaranka Karaamo dhac iyo xil gudasho la,aanta ka muuqata,

MASUULIYIINTA BOROTANKA UGU JIRA Awoodaha  baalmarsan sharciga ayaa ah mid aan laga qarsan karin indhaha  aadna looga hadal hayo goobaha ay bulshadu ku kulanto sidoo kale  Shaqsiyaadka Madaxwayne Siilaanyo Qoyskiisa ka soo jeeda ayay marag madoon tahay samaynta balaadhan ee ay ku leeyihiin Mashaariicda Maalgalinta Dalka  Lacago badan si daban iyo si toosa uga macaasha,

Markale Masuuliyiinta Xukuumada Siilaanyo ugu sareeya waxaa ka dhaxeeya is garbin iyo hirdan dhinaca awoodaha iyadoo  masuulkastaaba uu doonayo inuu noqdo Masuulka ugu awooda badan Xukuumada Siilaanyo Balse waxaan iyana indhaha laga qarsan karin Asal madoorshayaasha Golaha Wasiirada dhex fadhiya

Sidaa daraadeed waxay Daraasadani isbarbar dhig ku samayn doonaa Muuqaalada Miisaanka Awoodeed ee Wasiirada iyo Masuuliyiinta ugu saraysa Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo iyadoo ay daaha ka fayday in Xubnaha ama Shaqsiyaadka ugu awooda badani kasoo jeedaan Gobolada Togdheer, Saaxil,iyo Maroodi Jeex,

halka masuuliyiinta kasoo jeeda Tobanka Gobol ee kale ayna ka duwanayn Wasiirada u shaqo tagay  DAWLADA XAMAR,

Siyaasada Hogaamineed ee Somaliland aanay  saamayn ku lahayn.

SHAQSIYAADKA UGU SAREEYA UGUNA AWOODA BADAN XUKUUMADA MADAXWAYNE SIIRAANYO AYAY XOG URURINTANI KU SHEEGTAY TODOBA KOOXOOD

1,Marwada koowaad ee dalka Aamina sh maxamuud jirde ayaa kaalinta koowaad ku jirta

Halka Kaalinta Labaad ay ku jirto Marwo Samsam Cabdi Aadan

Wasiirka Maaliyada Somaliland oo Saaxiibo dhaw yihiin Marwada koowaad ee Dalka

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan

Ayay daraasadani ku tilmaamaysaa in ay Kaalinta 3aad Wadaagaan

Wasiirada Doolista Hawada Macdanta Tamarta iyo Xildhibaan Cali Mareexaan ayay Xog ururintani tilmaamaysaa in ay kaalinta 4Aad iyo Haybtaba Wadaagaan

Ganacsada Maxamed Aw Siciid Hawl wadeeno u dhuun u daloola Arimaha Siyaasada oo la shaqeeya Ganacsadaha  Gudoomiyaha  ku Xigeenka Kulmiye iyo Wsiirka Beeraha ayay Xogtani ku tilmaamaysaa in ay Kaalinta 5aad kaga jiraan Awooda dalka

Halka kaalinta 6aad ay ku jiraan Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Cali Warancade Xildhibaano Guurtida iyo Golaha wakiilada sida Nacnac  iyo Bukhaari Raxan Dumara oo ka agdhaw Marwada koowaad Todobadaa kooxood ayay Xog ururintani ku tilmaantay Shaqsiyaadka ugu Awooda badan Dalka

Ugu danbayn Xog ururintan ayaa meesha ka saartay Jiritaanka awoodii Madaxwayne iyo Ku xigeen ee Bulshadu dooratay

Cabdi cismaan cumar

bristol uk

Wajaalenews desk

Exit mobile version