|
|||||
WAJAALE NEWS
Muuqaalka Iyo Magacyada Masuuliyiinta Ugu Awooda Badan Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo
May 14, 2015 - Written by Editor:Muuqaalka Iyo Magacyada Masuuliyiinta Ugu Awooda Badan Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Mar hadii xukunkaaga Xigtadaada qabiilkiyo Xurmo ay talinaysoo Xilka kaala wareegtay Xaalku sow eber maaha Mar hadii xukunkaaga Xeeladaada hogaanka Xubno uu u nuglaado Xorna ay ku noqdaan Xilku sow mahabaabin Mar hadii xukunkaagu Xubnahaad magacawdiyo Xafiisyadaada dhamaan Xafiiltan uu ka dhaxeeyo Xogtu sow bixi mayso Xukuumada Kulmiye waxay la kowsatay kacaa kuf iyo kala qaybsanaan iyadoo lagu tilmaami karo Xukuumad jaantaa rogana oo jiibta iyo jaanta aan isla helin, waa Xukuumad dabarka iyo xakamaha goosatay oo ku dhaqanka Xeerarka iyo Sharciyada dalka ku xajiimoota, Sidoo kale xukuumada kulmiye waxay u xoog badan tahay burburinta Hanaanka Dimuqaadiyadeed ee Dalka ka hana qaaday waxaynay u tafo xaydatay soo nolaynta iyo dardar galinta Qabyaalada iyadoo sobobtay burburka dhaqan iyo dhagxumooyinka ku dhacay beelihii taageeray ee sobobta u ahaa kuraasta ku fadhiyaan. Sidoo kale waxaa hubaala faro galinta Golaha Xukuumadu ku hayaan Golayaasha Garanka sida GolahaGuurtida,Golaha Wakiilada,Golayaasha Deegaanka faro galinta ayaa ah mid saamayn badan ku leh una sobobtay Golayaasha Qaranka Karaamo dhac iyo xil gudasho la,aanta ka muuqata, MASUULIYIINTA BOROTANKA UGU JIRA Awoodaha baalmarsan sharciga ayaa ah mid aan laga qarsan karin indhaha aadna looga hadal hayo goobaha ay bulshadu ku kulanto sidoo kale Shaqsiyaadka Madaxwayne Siilaanyo Qoyskiisa ka soo jeeda ayay marag madoon tahay samaynta balaadhan ee ay ku leeyihiin Mashaariicda Maalgalinta Dalka Lacago badan si daban iyo si toosa uga macaasha, Markale Masuuliyiinta Xukuumada Siilaanyo ugu sareeya waxaa ka dhaxeeya is garbin iyo hirdan dhinaca awoodaha iyadoo masuulkastaaba uu doonayo inuu noqdo Masuulka ugu awooda badan Xukuumada Siilaanyo Balse waxaan iyana indhaha laga qarsan karin Asal madoorshayaasha Golaha Wasiirada dhex fadhiya Sidaa daraadeed waxay Daraasadani isbarbar dhig ku samayn doonaa Muuqaalada Miisaanka Awoodeed ee Wasiirada iyo Masuuliyiinta ugu saraysa Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo iyadoo ay daaha ka fayday in Xubnaha ama Shaqsiyaadka ugu awooda badani kasoo jeedaan Gobolada Togdheer, Saaxil,iyo Maroodi Jeex, halka masuuliyiinta kasoo jeeda Tobanka Gobol ee kale ayna ka duwanayn Wasiirada u shaqo tagay DAWLADA XAMAR, Siyaasada Hogaamineed ee Somaliland aanay saamayn ku lahayn. SHAQSIYAADKA UGU SAREEYA UGUNA AWOODA BADAN XUKUUMADA MADAXWAYNE SIIRAANYO AYAY XOG URURINTANI KU SHEEGTAY TODOBA KOOXOOD 1,Marwada koowaad ee dalka Aamina sh maxamuud jirde ayaa kaalinta koowaad ku jirta Halka Kaalinta Labaad ay ku jirto Marwo Samsam Cabdi Aadan Wasiirka Maaliyada Somaliland oo Saaxiibo dhaw yihiin Marwada koowaad ee Dalka Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan Ayay daraasadani ku tilmaamaysaa in ay Kaalinta 3aad Wadaagaan Wasiirada Doolista Hawada Macdanta Tamarta iyo Xildhibaan Cali Mareexaan ayay Xog ururintani tilmaamaysaa in ay kaalinta 4Aad iyo Haybtaba Wadaagaan Ganacsada Maxamed Aw Siciid Hawl wadeeno u dhuun u daloola Arimaha Siyaasada oo la shaqeeya Ganacsadaha Gudoomiyaha ku Xigeenka Kulmiye iyo Wsiirka Beeraha ayay Xogtani ku tilmaamaysaa in ay Kaalinta 5aad kaga jiraan Awooda dalka Halka kaalinta 6aad ay ku jiraan Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Cali Warancade Xildhibaano Guurtida iyo Golaha wakiilada sida Nacnac iyo Bukhaari Raxan Dumara oo ka agdhaw Marwada koowaad Todobadaa kooxood ayay Xog ururintani ku tilmaantay Shaqsiyaadka ugu Awooda badan Dalka Ugu danbayn Xog ururintan ayaa meesha ka saartay Jiritaanka awoodii Madaxwayne iyo Ku xigeen ee Bulshadu dooratay Cabdi cismaan cumar bristol uk Wajaalenews desk Related posts:Daawo: Shir Sal-Baaladhan Oo Maanta Hotel Hargaysa Ku Yaalla Uga Furmay Beelaha Habar-Yoonis Iyo Hab... Gudoomiyaha Dalada Sonsaf Oo Ka Warbixiyay Qaabkii Ay Udhacday Doorashadu Iyo Tirada Cabashooyinka S... War deg deg ah xarunta dhexe ee kulmiye oo gacanta la isula tagay mid ka mid ah xildhibaanada wakiil... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|