WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland Oo Gunadii Ka Jartay Sagaal Wakiil Oo Somaliland U Qaabilsan Dibadaha

Hargeysa (W,N):- Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa gunadii bilaha ahayd ka joojisay sagaal ka mid ah wakiilada dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraal uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire u kala diray wakiiladan oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Geeska Afrika helay nuqul ka mid ah, ayaa wuxuu guno joojinta ku sababeeyay wakiilada oo aan xafiisyo lahayn.

 

Qoraalkan oo uu Wasiir Sacad Cali Shire, ogaysiin nuqul ka mid ah ku siiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuna taariikhaysan 21 March 2018, ayaa u qornaa sidan “Markii qiimayn lagu sameeyay wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ee dibadaha, markii la tixgeliyay istaraatajiyada cusub ee wasaaradda ee aqoonsi raadinta, markii la eegay miisaaniyadda wasaaradda waxa la go’aansaday in gunooyinkii la siin jiray wakiilada aan xafiisyada lahayn la joojiyo. Sanduuqna loo sameeyo laga maalgeliyo hawlaha la xidhiidha aqoonsiga, wakiilkuna uu dalab soo gudbiyo kharashka ku baxaya hawl qabadkiisa, sida xaflad, socdaal, olole, xus, kulan iyo wixii la mid ah.

 

Sidaas darteed waxa laga codsanayaa wakiilada inay soo gudbiyaan qorshe hawleed iyo kharashka ku baxaya hawl walba.”

 

Wakiilada uu wasiir Sacad Cali Shire, qoraalka ku socodsiiyay oo u badan kuwo uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay ayaa kala ah:

 

Waakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Norway

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Faransiiska

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Turkiga

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Kanada

Wakiilka wareega (ambassador at large)

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Ireland

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Sucuudiga

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalalka Cumaan iyo Kuwait

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Koonfurta Suudaan

 

 

Source:- Geeska

 

Exit mobile version