WAJAALE NEWS

Hadii Inagu Aynu Isu Tudhi wayney Qaranka Ma u Tudhi Garan Wayney?

Waxaa baryahan dambe aan aad uga niyad xumaaday xaalada dalku ku suganyahay, iguna kaliftey inaan qalinka u qaato.

Waxaa wax laga xumaado ah in xaalada baarlamaankii kala qaybisay ee qoloba gaar shir jaraa’id u qabanayso ee garab ba garab ka kale dhaliil iyo dambi dusha uga saarayo. Waxaa kaloo iyana jirta in guurtidii inoo fayada qabtay iyadii hada “virus” kii gaadhey oo iyagii xalka laga sugaayay ee umadu kor u eegeysay, iyagii hada lasoo baxeen in sidii baarlamaanka qudhoodii aay labada garab kala taageeraan halkii aay ahayd ineey eegaan oo kala saaraan baarlamaankan burburka ku sugan iyo dalkan marxalada adag ee siyasadeed curduduubtey. Goolahii guurtida ee aaynu ku caano maalay ee khilaaf walboo inaga dhex dhashay maareeyn jirey, ayaa lagaba laayahay in aay maareeyaan oo kala saaraan baarlamaankan iniba dhinac fadhiisatey ineey xal u doonaan oo hoos u eegaan waxan kala faquuqay runtana ukala sheegaan oo cidii qaldan qaladkooda u muujiyaan.

Taasi meey dhicin oo murankuba ha dambeeyee wixii meesha yaaley cid ka hadashay haba yaratee ma jirto wax kaleba ha dambeyaane.

Waxaa wax laga xumaado ah inagoo la inagu yaqaanay hadeeynu nahay somaliland hab sami iyo maamul wanaag ineeynu maanta sidii foodleeyda masuuliyiinteeni hadba qolo shaashadaha tv yada dalka kolba kooxi soo fadhiisato oo aay tirsadaan sidii haweenka. Xaqiiqdii wax laga xumaado weeye, waayo waxa aay garan wayeen mucaarad iyo muxaafidba ineey umada u tudhaan oo naxdinta ka ilaliyaan sababtoo ah umadii waa afariirsantahay oo waxaa intaa iswaydinayaan taloow halkaa wax kale ka dhashaan oo amnigu faraha ka baxaa.

Layaab malaha umadu waayo kuwii aay doorteen iyo kuwii mucaaridka ku ahaa ee umadan codka ka rabay ayaa midkoodna muujin wax lexejeclo ah oo aay umada iyo dalka ka leyihiin toona, waayo waxa aay garan wayeen ineey isu tanaasulaan amaba yidhaahdaan waar sidan umadaaba inagaga aamin bixi oo ku khalkhal galineynaaye waxa aaynu isku hayno si gaar ah ma uga wada hadalaa oo ka dheer araga iyo dhegaha umada sharafna inoo ah. Maanta waxaa halkan ka cadaatay in kuwa xukunka haya kulmiye iyo asxaabta mucaaradka ah ee kala ah ucid iyo wadani oo iyagu raba ineey umada cod ka helaan kuna hanta hogaanka dalka, aay laba dooduba bartaa ku fashilan yihiin sababta oo ah waxaa umadii maanta u muuqata oo cad in waxa kaliya ee loo socdi tahay sidii hantida umada loo hanan lahaa ee loogu tagri fari lahaa. Waxaa xataa aay garan wayeen in jiilka soo kacaya aay dhaqan xumi dhaxal sinayaan aay hormood ka yihiin. Maanta sidan aaynu ku suganahay marka aaynu fiirino runtii qof damiir lihi waa ka murugoonaya waayo yar iyo weyn, dal iyo dibad ba sida aynu u dhanahay waxeeynu la kala safanay labadan garab ee xukumadeeni u kala jabtey.

Dambiga u wayna waxaa leh saxaafada oo garan waydey dhegaha umada iyo indhaha umada ka dhowra magac xumida, lakiin ka door bidey ineey ka dhex munaafaqadeeyaan iyagoo dhinac u janjeedha oo waagi beryaba umada usoo tabinaya war calool xumi badani ku duugantahay. Umada reer somaliland waxaan ku dhiiri galinayaa maanta in iyaga dalku gurmad uga baahan yahay oo usoo dibad baxaan yar iyo weynba sidii qaranku ugu badbaadi lahaa iyagoo ku taamaya in siyaasiyiintu si degdeg ah xal uga gaadhaan maamul xumidan noloshoodii saamaysey ee xumaha badan.

Runtii maanta sidaa ayaa inoo eeg ineeynu ugu kacno jiritaanka somaliland una soo jeedino ineey iga dhowraan naxligan kala qaybiyey nidaamkii dawladnimo, kaasoo hadii aan laga kicin dhali kara in umada uu kala qaybiyo. Dhamaan dhinacyada mucaaridka iyo muxaafid kana waxaan leeyahay niman yahoow umadiina u tudha oo sidan isu dhaama oo xafaaltankan xaasidnimadu ku dheehantahay ee ku xumeeda ah iska dhaafa barbaartinana waxaay idinku xusaan idinkuna xasuustaan oo taariikhda idiin gala dhaxalsiiya.

 

Aden deeq

Exit mobile version