waxa kale oo aan arkey in caagado iyo baco laga soo buuxiyo kaadi iyo saxaro kadibna lagu soo tuuro wadooyinka ay marayaan dadka oo dhami cajiib walahi waa wax lala yaabo
sanadkii 2011 oo aan tagey hargeysa waxaan kusoo arkey wax yaabo aad iyo aad loola yaabo oo nadaafad xumo ah
wax yaabaha iga yaabiyey ee aan arkey waxaa ka mid ahaa xaafadaha qaarkood wey adagtey inaad dhex marto waayo waxa dhici karta adoo xaafada dhex socda inuu ku qabsado baaldi usgag ah oo lagugu soo daadiyo waayo xaafadahaasi waxey sameeyaan usgaga ay dharka iyo weelka ka meydhaan iyo waliba bulaacadaha ayaa guryaha hortooda qul qulaya waxaad arkeysaa 2 guri oo iska soo hor jeeda ayaa inta u dhaxeysa 2 daa xaafadood waxaa jiifa biyo usgag iyo bulaacad ah oo ay soo daadiyeen xaafaduhu cajiib
hadaba waxaa si weydiin leh marka aqalka horteeda lagu soo daadiyo bulaacada iyo usgaga oo
bulaacada iyo usgagu uu jiifo aqalka hortiisa maxaa laga filan karaa caafimaadka caruurta ee guryahaa ku nool?
miyaaney dadku damiir laheyn ? qofka bina aadam ah oo waliba muslim ah sidee ayuu guriga uu ku noolyey hortiisa uu ugu daadin karaa bulaacad iyo usgag ?
waxa kale oo aan arkey in caagado iyo baco laga soo buuxiyo kaadi iyo saxaro kadibna lagu soo tuuro wadooyinka ay marayaan dadka oo dhami cajiib walahi waa wax lala yaabo
miyaaney magaalada ku nooleyn dad islaam ah oo bini aadam ah oo damiir leh ?
waxaan filayaa waad garaneysaan xaafadaha uugu liita xaga nadaafada iyo waliba suuqyada uugu daran nadaafad xumada waad garaneysaan meesha ay ku yaalaan laakiin waa wax lala yaabo oo cajiib
anigu waxaan soo arkey wax damiirka aanu qaadin karin ee idinku ma ila aragteen ???
by cabdi nasir from finland
naasir116@hotmail.com,