WAJAALE NEWS

“Agaasime Maxamed Ilkacase Waa Agaasime Ka Dhex Iftiimay Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi”.

Qaran kasta waxaa u shaqeeya oo horumar gaadhsiiya dadkiisa iyo madaxdooda oo isla jaanqaada, iyaggoo muhiim aay tahay in masuuliyiinta igmani aay bulshadda ku hoggaamiyaan hadba hilinka horumarka iyo halka aay guushu taalo, masuul kastaana waa muhiim inuu garto waajibka saaran siddii uu uga soo bixi lahaa juhdina uu geliyo siddii uu ugu jiheyn lahaa dadkiisa jihada toosan.

Waxaa dalka xilal ka haya masuuliyiin tiro badan oo midba meel loo xilsaaray dhinac aay ahaataba Agaasimaha Wasaaradda shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshadda, iyo Qoyska Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) wuxuu ka mid yahay  shaqsiyaadka dalka si aan hagar lahayn ugu soo shaqaynayey illaa iyo 1991-kii isaggoo ka mid ahaa dhalinyaraddii u kacday dalka oo baa’basan siddii aay dadkooda wax u tari lahaayeen una caawin lahaayeen, iyaggoo la  garab taagnaa muruq iyo maskaxba. Wuxuu xagga hore ka ahaa dhalintii aasaastay hay’ada HAVOYOCO oo wax weyn tartay dalka iyo dadkaba runtii markii danbena noqotayba hay’ad ka shaqaysa waddamada kale ee geeska, kana soo dhex baxday hay’ado badan oo filkeeda ah iskamanaay iman taasi waxaay halkaa ku gaadhsiiyeen caqli, maskax, cilmi, talo, ismaqal, kala danbeyn, iyo isfahan. Muddane Maxamed Ilkacase wuxuu 19 sanno ku soo dhex jirey oo ka soo shaqaynayey urrurada Bulshadda rayidka ah (Civil Society) oo aan ka xusi karno urrurada HAVOYOCO IYO COSONGO.

Sagaalkan sanno ee ugu danbeeyayna waxaa uu ahaa masuul dawladdeed oo qaranka si aan kala joogsi lahayn ugu shaqaynayey welina ugu shaqaynayaa. isaggoo soo marey ama xilal ka soo qabtay wasaaraddo kala duwan iyo xarunta qasriga madaxtooyada Jsl kuwaasi oo aay ka mid yihiin: Agaasimaha Protocol-ka qasriga madaxtooyada Jsl, Agaasimaha wasaaradda Kaluumaysiga Jsl, Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Jsl, Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Jsl, iyo Agaasimaha Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshadda, iyo Qoyska oo uu labba jeer Agaasime guud ka noqday haddana uu joogo. Runtii meel kasta oo uu tago waxaa laga dheehanayey shaqo wanaag iyo in wasaaraddaasi aay mahadiso soo magaabistiisa loo soo magacaabay kuna hagayey siyaasad bisil oo degan, khibrad shaqo, iyo aqoon. Wuxuu isla marka uu wasaarad shaqo ka bilaabo uu galinayey oo ku shubayay dhiig cusub wuxuu shaqaalaha wasaaraddaas siinayey dhiirigelin, kalsooni, iyo in shaqaddu yeelato kala danbeyn iyo isku ixtiraamid. Wuxuu dhisayey dhammaan shaqaalaha wasaaradda aqoontooda, hab dhaqankooda, iyo niyadooda, si la mid ah wuxuu dib-u-habeyn ku samaynayey oo qaabaynayey kana shaqaysiinayey waaxaha kal duwan ee wasaaradaas. Wuxuu shaqaalaha kobtaas siinayey awood shaqo oo ah in qofkasta shaqo qaban karo oo aanu fadhiyin iyaggoo ka faa’ideynayaa wakhtiga, maskaxda iyo aqoontaba.

Runtu waa shay lagama maarmaan ah qofka bini’ aadamka ahna inta uu nool yahay waa inaad sheegto wanaagiisa iyo waxa aad ku aragtay ee mudan in laggaga daydo, xaqiiqdiinii Agaasime Ilkacase wuu mutaystay intan iyo inka badanba waana wax aanu ku aragnay.

Aan sii wato qoraalkayge’ e akhriste annoo isku dayaya in aan soo duuduubo, Sidda aan kor ku xusay agaasime maxamed cilmi aadan “Ilkacase” waxaa uu hadda agaasime guud ka yahay Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska muddadan imika uu joogey wasaaraddaasi runtii weey duushay waxaaney ka mid tahay wasaaraddaasi kuwa kaalmaha hore kaga jira wasaaraddaha uguna shaqadda badan. Runtii taasina iskama aay iman ee waxaa wareejinaya mishiin uu kow ka yahay agaasimaha guud ee wasaaraddu marka laga imaado. Waayo agaasimaha guud waa qofka wareejinaya, maamulaya,hagaya, habeynaya shaqadda wasaaradda.

Sidda runta ahna haddaan idinla waddaago muddadan kooban ee uu joogay wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshadda, iyo qoyska wuxuu ku guulaystey in uu siyaasado badan iyo shirweynayaal farabadan oo qaranka muhiim u ah loona cadilnaa muddadaas 27-ka sanno ah ee aynu jirney uu sameeyay ama aay qabsoomeen. qaarna uu gacanta ku hayo oo uu waddo (Draft) kuwo kalena aay dhammaadeen oo soo idlaadeen (Final). Siyaasadaha lagu guulaystay bilawgooda gebogebana ku dhaw iyo kuwa dhammaadayba iyaggoo isku dhafan waxaa ka mid ah kuwan hoos ku xusan:

1: Siyaasadda Carbinta Shaqadda ee Qaranka ( National Internship Policy)

2: Siyaasadda Hawlgabka Qaranka ( National Pension Policy)

3: Dib-u-habeynta Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah

4: Diiwaangelinta Shaqaalaha Rayidka ah

5: Diiwaangelinta Shaqaalaha Ajanebiga ah, iwm

6: Strategy Plan-ka wasaaraddu ku shaqaynayso 2018-2021

Siddoo kale Shirweynayaasha qaranka muhiimka u ah ee isagga iyo wasaaraddiisu ku guulaysatay  iyo kuwa dhawaan u qorshaysan ee dhici doonna insha Allah iyyagana waxaa ka mid ah.

1: Shirweynaha Heer Qaran ee Shaqo-Abuurka

2: Shirweynaha Qaranka ee Carruurta

3:Shirweynaha Naafada Qaranka, iwm.

Halkan kuma soo koobi karno guulaha uu muddooyinkan danbe qaranka u soo hooyay iyo guulaha jidka saaran ee dhawaan la gaadhi doonno insha Allah.

Guntii iyo gunnaanadkii waxaan ku soo afmeeraya qormadaydan Agaasime Maxamed Cilmi Ilkacase waa masuul mutaystay in lagu ammaano waxqabadkiisa, siddoo kale mudan in lagu daydo, lagu tixgeliyo, lagu maamuuso, laguna dhiirigeliyo si uu halkaas uga sii labban-laabo. Waana dadka dhifka ah ee aay ka go’ an tahay innuu dalka iyo dadkaba intii awoodiisa ah ee kaga beegan uu u qabto.

Waxaan Madaxweyne Muuse biixi cabdi ka codsanaynaa in masuulkan oo kale dalka ayaa u baahanee uu xil sare oo kartidiisan u baahan u magacaaw Madaxweyne, waana naga codsi taasi. Waxaanu leenahay ugu danbeyn “Agaasime maxamed ilkacase dalka uu u shaqeeyaa ee kama shaqaysto, dadka iyo dalka ayaana u baahan, waana masuul muddan in lagu daydo”.

 

Allaa Mahad Leh.

Hargaysawi_19981@gmail.com

Exit mobile version