Marka laga reebo dadka Somaliland, badiba dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba waxay xambaarsan yihiin Maro Buluug ah oo xidig cadi ku dhex taalo, oo ay u yaqaanaan inay Soomaaliyi wada leedahay, xataa reer Djiboutigeeda, reer Jigjigeedka Itoobiya iyo reer Geeriseedka Kenya.
Waa run dhammaan shuruucda u taalay, amaba u taala Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed iyo Jamhuuriyadda cusub ee Somalia, waxay dhigayaan in qofka Soomaaliga ahi, meel kasta ha ka yimaadee, wadankuu doono ha u dhashee inuu muwaadin yahay.
Haddaba, calankani waxa la sheegaa in lagu sameeyey dhinaca Somalia (gaar ahaana intii uu Talyaanigu gumaysan jirey), waxaase lagu gardaadiyay oo markii ugu horeysay laga taagay dhinaca Somaliland. Calankani waxa loo tiriyay taagistiisa gabayo iyo heeso farabadan, waxaase xusid mudan Gabay uu lahaa Allaha ha u naxariistee, C/laahi Suldaan Timacadde oo la yidhaahdo “Kana SIib Kana Saar aan siduu yahay eegnee”?
Inkasta oo ay dad badan oo Soomaaliyeed rumaysan yihiin in calankani ay markii hore lahayd Somaliland, haddana sida la sheegay calankani asalkiisa waxa lahaa Somalia, waxaana la keenay Somaliland dabayaaqadii Kontomaadkii.
Waxa laga yaabaa inay qaar badan oo reer Somaliland ah, amaba reer Itoobiya ah, amaba reer Somalia ahi ay kugula murmaan oo ay yidhaahdaan calankaasi buluuga ahi waa kii Ingiriisku bixiyay ee ay Somaliland lahayd, balse weydii horta Dugsiga Maxamed Xasan Aden (Gacmadheere) la yidhaahdo eek u yaala xaafadda Goljano ee Hargeysa, magaciisa maxaa la odhan jirey? Jawaabtu waa 12-ka October, bal isweydii maalintani maxay ahayd “Waxay ahayd maalinta calan tuska” waxaana calankani laga keenay Somalia waana maalintii ugu horeysay ee la keenay ciidda Somaliland.
Ka gudub, haddii aad weydiiso dadka Soomaaliyeed, horta astaamaha (Midabka buluuga ah iyo xidigta shanta geesleh maxaa loola jeeday) waxa ay ku odhan doonaan Xidigta Cadi waxay u taagan tahay shanta Soomaaliyeed oo waqtigaasi ahaa (Somaliland (halkii uu ku dhashay laguna gardaadiyay) Somalia (halkii uu ku barbaaray ee geese tirtey, ka noqotay in la isku keeno shantii – ka dib markii ay ka tanaasushay) in Djibouti oo ahayd ta saddexaadna ay dawlad madax banaan noqoto, isla markaana Reserve area (ta 4-aad Somali galbeed oo ay ku dagaalantayna ka tanaasushay, isla maraana dadkii ku dhintey aan la garanaynin maanta sababtii ay u dhinteen, iyo NFD (Waqooyiga bari ee Kenya oo ahayd ta shanaad).
Tanaasulkani kuma imanin hab la fahmi karo, balse duruuftaa keentay, ka dib markii labadii u midoobay keenista saddexda kale ku heshiin waayeen, oo Somaliland-tii calanku ku dhashay shaki gelisay “Kana Siib (calanka Ingiriiska) kana saar (Calanka Somalia ee xidigta cad iyo buluuga leh) bal siduu yahay aan eegnee)?
Maxaa keenay shakiga
Marka laga yimaado waaqica la taaban karo ee saluuga leh ee ay muujiyeen reer Somaliland bilawgii midnimada, ee la eego sida waaqica ah ee aan la taaban karin, balse la dareemi karo, waxa weeye, Xidiguhu habeenkii bay soo baxaan oo ay cadcad yihiin, markaa xidigtii ku dhextaalay calanku waa habeen, astaanta qarankuna waa Shabeelo (dadkay cunaan-waa wax laga cabsado) cirkuna maalintii ayuu buluug noqdaa xilliga Jiilaalka. Haddaba markaynu u soo noqono dulucda maqaalkan habeen iyo maalin waa laba aayadood oo Ilaahay leeyahay siday Soomaali dawlad ku yeelan haddii ay habeen iyo maalin isku daraan?.
Ku darsoo, iyaga oo Soomaalidu isku daray habeen iyo maalin, ayay haddana leeyihiin waa Muqadas (waa maxay Muqadas waa waxa xagga Ilaahay ka yimaadda ee dhawrsoon), dee tooddaba raac, oo xidigaha iyo buluuga cirkuba waa aayado Ilaahay oo Muqadas ah, balse aan isku waqti la arag, sidaasi darteedna isku darkoodu maaha Muqadas ee waa maro uun aad ku xaradhay, oo aad bedeli karto oo aad waafajin karto sida ay muqadas-ka u yihiin.
Markaa 25 sannadood ka dib, waar tolow yaa Soomaali siiya Calankii Timacadde Midabadiisa sheegay “Calankaanu SUgeynee, Sahankiisa ahaynow! (Calan buu raadinayaa) “Sarma Weydo Hilaacdiyo, Sagal Maanta Daroorey” waa in calanka laga helaa midabka Hilaaca oo kale iyo daruurta midabkeeda (Caddaan gudban), “Oo siigadii naga maydhayaw” (siigada midabkeeda (waa casaan gudban oo dhulka ka kacaya) “Sax-dhexe ayaanu ahayn’e kii soo saaray cadceedoow” “Waa in xidigta laga saaro amaba midab kale laga dhigo ilayn qoraxdii soo baxday’e) isku soo duubo, “Markuu waagu dilaaco ee ay qoraxdu soo baxdo ee roob May ahi da’o, siigadu maydhanto, midabka dhulku sameeyaa, maalinta 4-aad waa inuu calanka Soomaaliyeedna u egaado, haddii dawladnimo laga doonayo” amaba ugu sareeyaa midabkaasi dhulku sameeyo marka roobku ku da’o, taasina waa dawladnimada Soomaalidu halkay ku jirto.
Qaar baa ka murmi doona, bal ila eega, marka laga yimaado labada Jamhuuriyadood ee hore u midoobay, waxa iyaduna 77-kii xornimo qaadatay Djibouti, calankeeda akhtar baa ugu sareeya, xidigtii oo cas oo cadaan dhex taala ayaa iyaduna ku taala iyo casaan hoose oo siigadii oo maydhmaysa ah.
Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxa ugu sareeya akhtar-kii, cadaankii hilaaca ahaa, waxaana ugu hooseeya siigadii maydhmaysay.
Ka Somaliland, waxa ugu sareeya akhtar, waxa ku xiga cadaankii oo xidigtii oo qoraxdu ku soo baxday oo ay yidhaahdeen waa madaw markaa ayaa ku dhextaala. Waxa ugu hooseeya siigadii oo maydhmaysa.
Guntii iyo gebagabadii, dawladda magaceeda la yidhaahdo dawladda Federaalka ah ee Somalia oo keli ah, ayuu hadda dastuurkeedu ogol yahay in qof kasta oo SOomaali ahi muwaadin u yahay, balse dhammaan inta kale oo afarta kale waxay ogolyihiin oo keli ah muwaadinka degan dhulka ay maamulaan ee haysta sharciga dhalashada dhulkaasi. Sidaasi darteedna si Soomaalida oo dhami u guulaysato iyada oo kala dawlado ah, bal aynu maanta Somalia u liqino, maro muqadas ahi ma jirtee, calanka iska bedela, intii is-ogolna dawlad u wada sameeya. Haddii kale, waxay noqon, sidii uu Gabayga Hadraawi ku yidhi. “Haddaan sida Bagagida Banaadir Indhuhu ka nixin, miyaynu isbaran lahayn” amaba siduu Gaariye ALlaha u naxariistee yidhi. “Ayaan baa iman doonta halkay ayro ku foofto (Xaruntii dawladda Soomaaliyeed) Afrikaan Madmadaw iyo Ajnebi baa degi doona” waar ka gaadha oo Muqadas-ka maro ma noqotee aayadaha Ilaahay ee aad isku darteen kala saara.
Somaliland hadda way dhawdahay, sabab waqtigani waxa tartanka ku jira, astaan kale oo u saamixi karta in la aqoonsado. “Calankayga Nuuroow, haddii aanan soo noqon Allahayow ku nabadgeli” hal ku dhega Heestani, Naftii Hure (Ninkii lahaa) ayaa hadda u haybtiisa laga baadhayaa aqoonsigii. Halku dhegana waxa lagu qorey calanka laftiisa. (oo magaca Ilaahay oo far cadaan ah oo Nuur-kii u dhiganta ayaa lagu qorey (Allahayoow ku nabadgelina waa tawxiidka lagu qorey).
Aayadahayaga waxaanu idinku tusi doonaa nafihiina iyo awfaaqda. Miyaanay ahayn aayad qur’aan ah.