WAJAALE NEWS

Barnaamijka Kasoo Kabashada Abaaraha: Falanqayn Iyo Talooyin

tusaale ahaan qoyskii lahaa laba tiro (waa 200 oo neefe) oo adhi ah waxa u soo hadhay 10 neef, waxaanay u badantahay in caruurta iyo xoolaha

Abaaruhu waa masiibo ku soo noq-noqotay ummadaha ku dhaqan geeska Afrika somalidana si gaara u aafeeya markasta, sababtuna waxaa weeye wax qorshe u diyaar garaw ah ama ka artatabansi ah ayaanay lahayn.

Sannadkani (2017) wuxuu ahaa kii ugu saamaynta badnaa in muddo ah; marka laga eego baaxadeeda iyo tacluusta la socotay ee xoolaha galaafatay. Hadda oo raxmaddii ilaahay shubay badi, waxaan indhahayga ku soo arkay sida ay meelo ka mida baadiyaha  durugsan ee gobolka togdheer u saamaysay iyo sida xaaladda dadku tahay xilligan, waxaamay u badantahay in goobaha kalena la qabaane waxaan ku soo arkay:

a). Xoolihii oo si ba’an u baxay; tusaale ahaan qoyskii lahaa laba tiro (waa 200 oo neefe) oo adhi ah waxa u soo hadhay  10 neef, waxaanay u badantahay in caruurta iyo xoolaha soo hadhay ay is tira leegyihiin, “halkii ay xooluhu ka dareeri jireen dad caydhoobay ayaa ka dareera guryihii”

b). Saboolnimo baahsan: Dadka wixii hano qaad ah waxay ku jarmaadaan tuulooyinka siiba meelaha lagu qaybiyo caawimooyinka, waxaanay carurta kaga yimaadaan meelahaas ayaan haayado ka soo eeg-eegayaaye sii nabad ahaada iwm. Haddii aad gaadhi wadato waxaa lagu odhanayaa maxaad noo wadeen, walaw dadka wejigooda ay ka muuqato inay baahida ka xishoonayaan hadana waa dani ku tidhi.

c). Dhul ilaahay roob ku shubay oo tigaadu is-gaadhay; xoolo daaqaana aanay jirin oo qaydarro aad harooyin moodana ay xareeddu jiifto, wax qorshe ah oo dadka iyo xukuumadoodu haysaana aanay jirin oo biyahaasi halkaa ku gudhayaan ayaan ku soo arkay, iyo dadka oo u dhego taagaaya qaadhaanka xukuumaddu gureyso.

Barnaamujka kasoo kabashada abaaraha ee madaxweynuhu ku dhawaaqay waa tallaabo qiimo leh oo dhiiri gelin mudan waanay soo daahday, qormadan waxaynnu is dul-taagaynnaa qorshayaasha lagu maal gelinaayo innaga oo mid kasta faallo kooban ka bixin doonna; intaa ka dibna waxaynnu soo jeedin doonnaa talooyin aynnu siinayno guddida idman, madaxda qaranka Somaliland iyo bulshadeenaba, mashaariicda lagu kharash garaynaayo dhaqaalahan lagu qiyaasay 10,000,000 (toban milyan oo dollar) waxaa ka mid ah:

1) In dib loo celiyo 20,000 oo qoys oo  xilligii abaarta doolay oo meelaha durugsan u guuray,
Faallo
: Wallaw aanay ku cadday qoraalka dawladu soo saartay waxa lagu saleeyey tirada qoysaska, hadana qodob kani maaha mid wax ka taraaya abaaraha berri; balse wuxuu daciifinayaa qoysaskii xamaamadooda guran lahaa ee u hitiqi lahaa meelahay kasoo guureen oo sugi doona dawlad rarta.

2) In la qodo (la falo) 35000 (shan iyo sodon kun) oo beerood muddo 12 bilood gudahood ah
Faallo:
Ma cadda sida lagu keenay xisaabta beerahan, gobollada ay ku kala yaallaa iyo sida lagu hubin doono in la wada qoday iyo in kale, inay yihiin kuwa danta guud ama mashaariicdii dowliga ahaa sida wajaale, beer iyo xaaxi iyo inay yihiin shakhsiyaad, mana cadda cadadka raashinka ah ee laga rajaynaayo si looga gaashaanto abaaraha iman doona.

3) In la qodo 25 ceel nooca dhaadheer iyo 18 balli oo waa weyn
Faallo: Waa qorshe qiimo leh; balse ma cadda xisaabta lagu saleeyey 25ka ceel iyo 18ka balli, goobaha laga qodi doono taasoo go’aamin doonta kaalinta ay ka tari doonaan abaaraha soo socda.

4) In la xooleeyo 10,000 (toban kun) oo qoys oo xooluhu ka bexeen
Faallo: Waxa lagu ogaaday tirada qoysaska ay xooluhu ka bexeen ee go’aankan lagu saleeyey lama soo ban dhigin, tirada xoolaha la siinaayo qoyska iyo goboladda sida loo kala siinaayo lama garanaayo. Dhinaca kalena qodobkani wuxuu hakinayaa hadkii yab-yaban xoolohooda oo sugi doona gacanta dowladda, wax abaarta iman doonta uu ka tarayaana ma cadda.

5) In la xidho 12 seerood si xilliga abaarta xooluhu ugu baxsadaan (bad baadaan).
Faallo: waa qorshe qiimo leh wallow aan qorshaha lagu faahfaahin meelaha laga xidhaayo seeraha, inta kilometer ee seer kastaa leegtahay iyo waxa ay kaga duwanyihiin labada seerood ee uu xidhay sanduuqa horumarinta  Somaliland (SDF) oo aynnu ogayn dhibaatada laga mutay.

Talo soo jeedin (Recommendations):

·         Qodobka 1aad ee raridda reeraha doolay maaha mid wax ka tari doona abaaraha balse wuxuu daciifinayaa kartidii qoysasku ay ku laaban lahaayeen, maadaama aanay jirin meelo abaaro ah oo looga baqaayo inay ku rafaadaan ka gudub keeda, waxay ku guuri karaan hitiqis iyo geediyo gaagaaban oo ay ku gaadhi karaan meelahay ka yimaadeen amaba gacmo xigaal ayay heli karaan. Lacagta halkan la gelinayaa abaarta berri waxba ka tari mayso. waxaan ku talin lahaa in dib looga fekero oo wax abaarta iman doonta wax inooga tara lacagta la geliyo.

·         Qodobka 4aad xooleynta qoysasku maaha mid cad wuxuuna u baahanyahay in si cilmiyeysan looga fekero, guddiduna macluumaad faahfaahsan ma bixin, dhinaca kale dad badan oo si uun xoolo u raadsan lahaa ayaa sugi doona xoolaha dawladdu soo waddo oo gadaal marsan doona inay iibsadaan xoolo, taasina waa wejiga taban. Waxaan ku talin lahaa in qodobkan gebi ahaanba meesha laga saaro oo wax berri haddii abaari timaaddo inta xoolo soo hadhay ku badbaadi karaan lagu bedelo.

·         Qodobada 2aad, 3aad iyo 5aad, (Beero falidda, ceelal qodida iyo seeraha) ayaa ah kuwa wax ka tari doona abaaraha mustaqbalka waxaanan ku talin lahaa in kuwaas la xoogeeyo lana badiyo tusaale ahaan in biyaha roobka la qabto oo 50kii mayl ba balli weyn (400 sm2) laga sameeyo IWM.

·         Dib u dejin: Dadka in wax loo qabto waxaa ka haboon in xoogooda iyo maalkooda la jeheeyo oo siyaasad cad loo sameeyo tusaale ahaan haddii xukuumaddu maanta soo saarto dadkeena waa in la deegaameeyaa oo 200 ee qoysba la ururiyaa oo adeega bulshada loo geeyaa qoyskastaana xoolaha uu haysto uu calaf u beertaa si cad iyo caanu ku filan uu uga helo. Qodobkani wuxuu sidoo kale suurto gelinayaa in caruurteenu waxbarasho hesho, caafimaad xoolo iyo mid dadna laga haqab beello; waa horumar waara oo wadama badani ku badhaadheen, tallada adigaa ku noole iyadu kuguma noola, weligeen ma jab uun baynu ku jireynaa waxaynu joognaa xilligii aynu wax ka baran lahayn dhibaatada inasoo martay oo ummadeena jahayn lahayn.

 

 

Abdirahman Osman Gaas
gaas96@gmail.com

 

Exit mobile version