Akhristayaal waxaan qormadeenii soo baxaday 07/037/2015 aynu kusoo xusnay, astaamaha siyaasiga wanaagsan, sumadaha siyaasiga soomaaliyeed, waxaynuna isku waydiinay su’aalahan
xagee ka yami siyaasigan kusifayn sifooyin ka noocan ah ee gurracan? Miyuu iska yimi? Mise meel uu ka shiidaal qaato ayaa jirta? Mise waa masiibo ilaahay dusha kaga keenay bulshada soomaaliyeed?
Akhristayaal waxaan qormadan ku lafa gurayna meesha iyo isha uu ka soo jeedo siyaasiga somaaliyeedee aynu kusoo sifaynay astaamaha gurracan qormadeenii hore iyo cidda uu kaalmada buuxda ka helo.
Haddaba maaha siyaasiga soomaaliyeed mid ka yimi umada kale ama dad meel kale laga soo dhoofiyey ee waa shakhsiyaad kasoo jeeda bulshadeenna.
Sumadaha liita ee lagu asteeyey siyaasiga soomaaliyeed ma aha kuwo cir ka soo dhac ah, balse waa aragti ka dhalatay waayo aragnimadii umadda soomaaliyeed ee ku aaddanayd habdhaqanka siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee xilalka maamul ee ay hayaan heerkuu doonaba ha gaadhsiisnaadee.
Sida aynu wada ogsoonahay soomaalidu maylahayn maamulo siyaasadeed oo u dhisnaa xoogagii gumaystaha ka hor oo waxay ahaayeen dad unidaamsan hab beeleed uu hogaanka dhaqanku talada u hayo. Intaas kadib ayaa waxaa xilligii maamulada gumaystaha ka hirgeliyeen ama ka bilaabantay dhulka soomaaliyeed siyaasadda oo ah wax aanay dhaqan ahaan Soomaalidu u lahayn.
Xilligaas ayay soo ifbaxeen siyaasiyiintii ugu horeeyay ee Soomaalidu yeelato, kuwaasoo u badnaa adeegayaashii iyo gacanyareyaashii maamuladdii gumaysiga.
Siyaasiyiintaa soomaaliyeed ayaa ku caanbaxay inay ballan qaadaan xilliyada ay kursiga doonayaan waxyaabo aanay haba yaraatee waxba ka fulin iyo ummadda soomaaliyeed oo noqotay wax lagu danaysto, taas oo saldhig u noqotay inay bulshada soomaaliyeed ka aaminto siyaasadda been, munaafaqnimo danaysi, mabda la’aan iyo wadaniyad la’aan.
Haddaba akhristayaal dhibaatada ugu daran ee taas ka daran ayaa ah in koritaankii aqooneed iyo ilbaxnimo ee umadda soomaaliyeed aanu noqon mid xakameeya habdhaqanka gurracan ee siyaasyiinta soomaaliyeed balse wuxuu noqday mid garab iyo gaashaan u ah oo ay ku caana maaleen.
Siyaasiga gurracani wuxuu ka soo dhex baxaa ummad gurracan. Sidaas darteed aragtida ummadda soomaliyeed ee ku waajahan dawladda ama maamulka ayaa ah mid ka madhan wadaniyad ayna ka buuxdo eex, qabyaalad iyo musuqmaasuq taas oo ah midda mar walba u hiilisa siyaasiga gurracan kana eexata midka daacadda ah. Taasina waa ta u fududaysay siyaasiyiin badan oo soomaaliyeed oo sooyaalkooda taariikheed mugdi badani kabuuxo, una suurta gelisay inaanay ka quusan mansab dawladeed ama maamul oo ay qabtaan.
Bulshada soomaaliyeed waxay gabbaad siisa siyaasiga danaysta ah ee ku foogan kala daadintooda si uu ugaadho ujeedadiisa gaarka ah iyagoo ku difaacaya qabyaalad iyo xigtaysi. Waxaa wax lala yaabo ah oo ka fog suubbanaanta iyo akhlaaqiyaadka wanaagsan in ummadda
soomaaliyeed ay utaqaan siyaasiga hawlkarka ah ka hantidooda iyo awoodooda ku takri fala iyagoo ugu yeedha “hebel waa inan rageed, waa halyey, waa nin kuna noolayn kara kuna dili kara” halka ninka daacadda ah ee umadiisa sida dhexda ahna ugu shaqeeya markiiba dusha looga huwiyo naanayso liita sida ina ay yidhaahdaan “hebel waa doqon, waa miskiinn beer bislaaday kuu kala goyn mayo, waa fulay iyo qaar kaloo badan” waa yaabe maxaa ninkii daacadda ahaa ka dhigay la’aad kii tuugga ahaana halyeyga ka dhigay? Taas jawaabteedu waa is ka caddahay umana baahna inaynu ku furfurno halkan, horaana soomalidu u tidhi” Hal xaaraan ahi Nirig xalaal ah ma dhasho”.
Markaa umadda soomaaliyeed waa waajibkeed in ilaah guudka kasaaro siyaasi tuug ah oo danaysta ah kana arradan waddaniyadda iyo hogaaminta wanaagsan.
Haddaba akhristayaal maxaa xal ah ee umadda soomaaliyeed dhibtaa mudada badan soo dishootay kaga baxaysaa? Maxaase bulshada soomaaliyeed la gudboon inay samayso si ay uga baxdo musiibadaa siyaasi xumada? Su’aalahaas iyo qaar kaleba waxaan kaga bogan doonnaa qormooyinkeenna danbe insha allah.
Lasocod wanaagsan.
Qalinkii: Cabdillaahi Maxamed Bile
Email: ambile292@gmail.com
Tell: 0634437634/0659841888
Hargeisa, Somaliland