WAJAALE NEWS

Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweynaha Dalka Kuuriyada Woqooyi Oo Laga Darinayo

Hargeysa(Wajaalenews) Intabadan warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal haya Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo la sheegay inuu xanuunsanayo.

Hogaamiyaha ayaa markii ugu horeysay laga waayey xaflado muhiim ah oo uu mar walba ka qeyb gali jiray gaar ahaan sanadguuradii xuska aasaaskii xisbiga talada haya ee dalkaasi.

Warar saxaafada Caalamka isla dhexmareyso ayaa qaar sheegayaan in Kim Jong-Un uu u jiifo xanuunka sonkorta, halka warar kale sheegayaan in laga hayo lugaha. Kim Jong-Un ayaa markii ugu danbeysay ee la arko ahayd munaasabad dhacday 3dii bishii September xiligaasi ay muuqatay inuu lugta ka dhutinayey.

Xubno kamid ah Madaxda dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in hogaamiyahooda caafimaad qabo balse dhaawac fudud kasoo gaaray lugta xili uu ka qeyb qaadanayey tababar militari

Exit mobile version