Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweynaha Dalka Kuuriyada Woqooyi Oo Laga Darinayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweynaha Dalka Kuuriyada Woqooyi Oo Laga Darinayo
October 11, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Intabadan warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal haya Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo la sheegay inuu xanuunsanayo.

kuuriya waqooyi

Hogaamiyaha ayaa markii ugu horeysay laga waayey xaflado muhiim ah oo uu mar walba ka qeyb gali jiray gaar ahaan sanadguuradii xuska aasaaskii xisbiga talada haya ee dalkaasi.

Warar saxaafada Caalamka isla dhexmareyso ayaa qaar sheegayaan in Kim Jong-Un uu u jiifo xanuunka sonkorta, halka warar kale sheegayaan in laga hayo lugaha. Kim Jong-Un ayaa markii ugu danbeysay ee la arko ahayd munaasabad dhacday 3dii bishii September xiligaasi ay muuqatay inuu lugta ka dhutinayey.

Xubno kamid ah Madaxda dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in hogaamiyahooda caafimaad qabo balse dhaawac fudud kasoo gaaray lugta xili uu ka qeyb qaadanayey tababar militari

COMMENTS
LINKS