WAJAALE NEWS

Siilaanyo Haddii Kheyr Lagu Ogyahay Waa La Sugi Laaye, Waxba Kuma Leh Salaaniyo Wanaag, Duciyo Sii Dhawr ‘e

HARGEISA(Wajaalenews);Gabaygan waxa curiyay Mujaahid Cali Cismaan (Cali Xaraaro) oo kaga waramay xaalada dalka uu madaxweyne Siilaanyo hogaaminayo islamarkaana tilmaamaya sida ay xukuumadiisu ugu foogan tahay boobka hantida ummada.

Mujaahid Cali Xaraaro waxa uu sidoo kale kaga hadlayaa gabaygiisan islmarkaana ku iftiimininayaa cida dalkan horumar u horseedi karaysa oo umada ka maqan taas oo uu mujaahidku ku cabirayo in ilaa inta ay bulshadu fahmayso ama aan laga baraarugaynin uu dalku sidaa ahaanayo.

Waxaana uu ku bilaabay mujaahid Cali Xaraaro gabaygiisa sidan:

 

Sudhatiyo surwaal gaabtay wataan

Hay sadqeeyeene, silsilada hay gaabiyeen suxulo weyntiiye

Sunta haygu mudo saqiif seefo loo tumay

Guulwade sawaabiyo, Siloon hay sudhnaadeene

Hadba haygu suuxeen sidii dumarka saarley

Suryada naloo galay,waa horey sahanka meersheene

Saxariirka rag badan bay ila qabao o sixirku haysaaye

Anagiyo reer Somaliland wey na sidataaye

Suugii Habaryoonis buu dul yaal,keebka loo sugaye

Samaroon sisaaradii ku timid,sigay ugaaskiiye

Ciidagale suldaaniyo ma jiro boqor wax sooraa

Arab waa tii salaad hore la galay sabab la’aaneede

Dhiigii sumsumay waad ogeyd siday ka yeeleene

Kulmiye six un buu u galay Sacad ragiisiiye

Wuxuu Muuse eersaday kursiga maalintuu sugaye

Iskadaa siyaasada dalkooy erey su’aalaane

Subeer Awal oo dhan baan Aadanow saxar la weydiin

Hartiga saa saa ka dhaba saaka Caliyoow ‘e

Sagaashan iyo kowdii ragii seeska kula taagay

Saxi meyso xaajada haddaad wax u sarbeebtaane

Saamigoodii maqnaa bay rabaan iney sexeexdaan

Haday wiil maqaarsaariyo iyo doonayaan lacag la sii siiyo

Xagaa iyo Soomaaliyaba waa ka buux saro la seexdaa

Afartaasi waa saxansaxadii Gaariye saadaalo iyo Qaasim Siinleeydii berigii wixii sababay weeyaane Afar kalena waxaan uga socdaa wey iga sixitaan.

Siiraanyo haddii kheyr lagu ogyahay waa la sugi laaye

Waxba kuma leh salaaniyo iyo wanaag duciyo sii dhowre

Sibiqbaa dalkaba looga baxay Cumar suldaanoowe

Sool iyo Sanaagiyo ilaa Saylac gudaheeda

Soomaalilaand oo idil ma jiro samo nin sheegtaa

Dhalinyarada saranseerku waa suuqa gaajada ‘e

Markii shaqo la siin waayay ayay socodka maaleene

Dalka waxay uga sii yaacayaan waxay saluugeene

Waxay sii sumsumayaan xagaa bariga Soodaan

Saxaaraha Galbeediyo baduu silic ku heystaa

Surmi bey u leedeen ragii seeskan dumin laaye

Saqda dhexe habeenkii waxaan selelo oon boodo

Hadba waxaan la soo toosayaa seedahay go’an

Waxa lagu saleeyaa murtida sebenkay joogtaaye

Samirkuna Farxaanoow wanaag iima soo sido

Waxaa dalkii loo salimay sixun u nooshiiye

Sayidiyo Dhuxulbaan ogaa siday ahaayeene

Sablaale nimankii ka yimi ayaa loo sad tiriyaa

Cukusiyo wax ka sii liita baa suudhadh loo tolaye

Markii habro Zaad le iyo socoto loo yeedhay

Ayay ragii calanka ila saari laa iyo soocankii tagay

Saraakiishaa cadhootee saajinada laga saraysiiyay

Waa siyaasadii ina Siyaad sawirka muuqdaa

Waxba yaan aniga lay kala sakhirin suniyo waabaye

Dawlad aan guul ka sugayaa ma jirto Ina Sanweynoowe

Saddaxdaa goliyo maamulkaagan ayaan suul ku godeyaa

Markii uu Sandheeroow sibraha udub u saaraayay

Sahankuu ka meersaday inaan hiil u soo socone

Sahal uma kala daadiyeen hadduu qabiil garabka siinlaa

Rag badan saleeluu la yahay sawdka baxayaaye

Beelahan la kala soocayaad sahashanaysaane

Dhiigbuu sidaa Xisbigan aad sagalka moodeen

Soomaalilaan jeeroo lahelo waxay saluugayso

Sacab timale weeyaan inaad samo ku waartaane

Gartu ina sanweynow ma aha waxaad sawasaweenayso

Seyladihii waataa la xidhay suuqna laga caagye

Cashuurahan sideed dhaafay ee marqudha saddex jibaarmaaya

Sarajooga waxa lagu boobayaa shicibkan saaran heegada ‘e

Sucuudigana kamay iman waxaa rag isasiiyeene

Saamigoodii baa lagu dhistaa sarahan dhaadheer

Iyagaa saqiirkeyga baday suurta gaajada ‘e

Faylsaloow Allaa saatiree dhimay saboolkii

 

Afartaasi waa saxansaxadii Gaariye,saadaale iyo Qaasim siinleeydii berigii wixii sababay weeyaane,Afar kalena waxaan uga socdaa way iga sixitaan

 

Nin xishoonayaa Saalaxow sidan ma yeeleene

Sodoh maryo furatay iyo sabiga ooyaaya

Saqbadhkaa guryaha loo dhacaa reer sagaal qadaye

Moorgan kuma samayn tuu ku falay shicibka Suudoowe

Ma sugaynin waligay ragbaa tii kasii dariye

Xirsi wuxuu sidiiqay sadkay siisay maamaduye

Sodogii sidii uu ku yidhi Baashe socod siiye

Saxaafadda waxaa loo xidhxidhay boogta yey sarin

Waagii sursuurtaan ka digay yay ku socotaaye

Salka waxay ku haysaa mar kale siiqyo foorara ‘e

Ninkii siyaasadaa saacidoow kuuma saamixin

Saacadii wareegtaa ragbay sumad u yeeshaaye

Maantana Samaalow waxa socota taariikh

Xiliguna sidaa kuma tagee subaxba waa cayne

Saadaaladaa lagu gartaa sabanka caalwaa

Saddex xiddiga fallag iyo xalaan mooradii sugaye

Suuradaa madoow ee dayaxa saaran baan garane

Saakana Siciidow wakhtigu saamaxaad ma leh

Waana layna kala soocayaa subaxan dheerayne

Siigadaa dhacaysaana ragbay sababi doontaaye

Ninkii Soomaalilaan doonayoow samirka maad dhawrtid

 

Mujaahid Cali Cismaan Cabdi (Cali Xaraaro)

Exit mobile version