|
|||||
WAJAALE NEWS
Siilaanyo Haddii Kheyr Lagu Ogyahay Waa La Sugi Laaye, Waxba Kuma Leh Salaaniyo Wanaag, Duciyo Sii Dhawr ‘e
September 5, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Gabaygan waxa curiyay Mujaahid Cali Cismaan (Cali Xaraaro) oo kaga waramay xaalada dalka uu madaxweyne Siilaanyo hogaaminayo islamarkaana tilmaamaya sida ay xukuumadiisu ugu foogan tahay boobka hantida ummada. Mujaahid Cali Xaraaro waxa uu sidoo kale kaga hadlayaa gabaygiisan islmarkaana ku iftiimininayaa cida dalkan horumar u horseedi karaysa oo umada ka maqan taas oo uu mujaahidku ku cabirayo in ilaa inta ay bulshadu fahmayso ama aan laga baraarugaynin uu dalku sidaa ahaanayo. Waxaana uu ku bilaabay mujaahid Cali Xaraaro gabaygiisa sidan:
Sudhatiyo surwaal gaabtay wataan Hay sadqeeyeene, silsilada hay gaabiyeen suxulo weyntiiye Sunta haygu mudo saqiif seefo loo tumay Guulwade sawaabiyo, Siloon hay sudhnaadeene Hadba haygu suuxeen sidii dumarka saarley Suryada naloo galay,waa horey sahanka meersheene Saxariirka rag badan bay ila qabao o sixirku haysaaye Anagiyo reer Somaliland wey na sidataaye Suugii Habaryoonis buu dul yaal,keebka loo sugaye Samaroon sisaaradii ku timid,sigay ugaaskiiye Ciidagale suldaaniyo ma jiro boqor wax sooraa Arab waa tii salaad hore la galay sabab la’aaneede Dhiigii sumsumay waad ogeyd siday ka yeeleene Kulmiye six un buu u galay Sacad ragiisiiye Wuxuu Muuse eersaday kursiga maalintuu sugaye Iskadaa siyaasada dalkooy erey su’aalaane Subeer Awal oo dhan baan Aadanow saxar la weydiin Hartiga saa saa ka dhaba saaka Caliyoow ‘e Sagaashan iyo kowdii ragii seeska kula taagay Saxi meyso xaajada haddaad wax u sarbeebtaane Saamigoodii maqnaa bay rabaan iney sexeexdaan Haday wiil maqaarsaariyo iyo doonayaan lacag la sii siiyo Xagaa iyo Soomaaliyaba waa ka buux saro la seexdaa Afartaasi waa saxansaxadii Gaariye saadaalo iyo Qaasim Siinleeydii berigii wixii sababay weeyaane Afar kalena waxaan uga socdaa wey iga sixitaan. Siiraanyo haddii kheyr lagu ogyahay waa la sugi laaye Waxba kuma leh salaaniyo iyo wanaag duciyo sii dhowre Sibiqbaa dalkaba looga baxay Cumar suldaanoowe Sool iyo Sanaagiyo ilaa Saylac gudaheeda Soomaalilaand oo idil ma jiro samo nin sheegtaa Dhalinyarada saranseerku waa suuqa gaajada ‘e Markii shaqo la siin waayay ayay socodka maaleene Dalka waxay uga sii yaacayaan waxay saluugeene Waxay sii sumsumayaan xagaa bariga Soodaan Saxaaraha Galbeediyo baduu silic ku heystaa Surmi bey u leedeen ragii seeskan dumin laaye Saqda dhexe habeenkii waxaan selelo oon boodo Hadba waxaan la soo toosayaa seedahay go’an Waxa lagu saleeyaa murtida sebenkay joogtaaye Samirkuna Farxaanoow wanaag iima soo sido Waxaa dalkii loo salimay sixun u nooshiiye Sayidiyo Dhuxulbaan ogaa siday ahaayeene Sablaale nimankii ka yimi ayaa loo sad tiriyaa Cukusiyo wax ka sii liita baa suudhadh loo tolaye Markii habro Zaad le iyo socoto loo yeedhay Ayay ragii calanka ila saari laa iyo soocankii tagay Saraakiishaa cadhootee saajinada laga saraysiiyay Waa siyaasadii ina Siyaad sawirka muuqdaa Waxba yaan aniga lay kala sakhirin suniyo waabaye Dawlad aan guul ka sugayaa ma jirto Ina Sanweynoowe Saddaxdaa goliyo maamulkaagan ayaan suul ku godeyaa Markii uu Sandheeroow sibraha udub u saaraayay Sahankuu ka meersaday inaan hiil u soo socone Sahal uma kala daadiyeen hadduu qabiil garabka siinlaa Rag badan saleeluu la yahay sawdka baxayaaye Beelahan la kala soocayaad sahashanaysaane Dhiigbuu sidaa Xisbigan aad sagalka moodeen Soomaalilaan jeeroo lahelo waxay saluugayso Sacab timale weeyaan inaad samo ku waartaane Gartu ina sanweynow ma aha waxaad sawasaweenayso Seyladihii waataa la xidhay suuqna laga caagye Cashuurahan sideed dhaafay ee marqudha saddex jibaarmaaya Sarajooga waxa lagu boobayaa shicibkan saaran heegada ‘e Sucuudigana kamay iman waxaa rag isasiiyeene Saamigoodii baa lagu dhistaa sarahan dhaadheer Iyagaa saqiirkeyga baday suurta gaajada ‘e Faylsaloow Allaa saatiree dhimay saboolkii
Afartaasi waa saxansaxadii Gaariye,saadaale iyo Qaasim siinleeydii berigii wixii sababay weeyaane,Afar kalena waxaan uga socdaa way iga sixitaan
Nin xishoonayaa Saalaxow sidan ma yeeleene Sodoh maryo furatay iyo sabiga ooyaaya Saqbadhkaa guryaha loo dhacaa reer sagaal qadaye Moorgan kuma samayn tuu ku falay shicibka Suudoowe Ma sugaynin waligay ragbaa tii kasii dariye Xirsi wuxuu sidiiqay sadkay siisay maamaduye Sodogii sidii uu ku yidhi Baashe socod siiye Saxaafadda waxaa loo xidhxidhay boogta yey sarin Waagii sursuurtaan ka digay yay ku socotaaye Salka waxay ku haysaa mar kale siiqyo foorara ‘e Ninkii siyaasadaa saacidoow kuuma saamixin Saacadii wareegtaa ragbay sumad u yeeshaaye Maantana Samaalow waxa socota taariikh Xiliguna sidaa kuma tagee subaxba waa cayne Saadaaladaa lagu gartaa sabanka caalwaa Saddex xiddiga fallag iyo xalaan mooradii sugaye Suuradaa madoow ee dayaxa saaran baan garane Saakana Siciidow wakhtigu saamaxaad ma leh Waana layna kala soocayaa subaxan dheerayne Siigadaa dhacaysaana ragbay sababi doontaaye Ninkii Soomaalilaan doonayoow samirka maad dhawrtid
Mujaahid Cali Cismaan Cabdi (Cali Xaraaro) Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|