WAJAALE NEWS

CIIDANKA BOOLISKA GABILEY OO KANAXAY SIIDAYNTA DHALINYARO DHAAWAC GAADHSIIYAY TALIYAHA SALDHIGA DHEXE IYO LABA ASKARI

GABILEY(WAJAALENEWS) ;Dhawaan ayaa magaalada gabiley waxaa ka dhacay fal aad u foolxumaa kaasi oo ay ku kaceen koox dhalinyaro ah oo weerar kusoo qaaday ciidanka booliska dhaawacyo kala duwana gaadhsiyay taliyaha saldhiga dhexe iyo laba askari oo ka tirsan ciidan booliska gabiley.
Laba nin ee dhaawaca halista ah gaadhsiiyay kusimaha talihaya saldhiga dhexe e gabiley  abshir haaruun iyo laba askari oo kamida ciidanka ayaa manta lasii daayay kadib markii maayirka gabiley iyo odoyaal ay taliyaha ogolaysiiyeen inuu saamaxo taliyuhu iyadoon la ogaysiin labadii askari ee dhaawacu soo gaadhay,
Arinta siidaynta dhalinyaradaan ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaarkamida askarta saldhiga gabiley.
Danbiilayaasha dawlada ladagaalamay ee lasii daayay iyagoo wajaalenews u xaqiijiyay in aan waxba lawaydiin labada askari ee dhaawaca loo gaystay askarta ayaa ka warwarsan ,sida ay usoo qabandoonan eedaysanayaasha, marka kuwii taliyahooda oo dirayskii xidhan ladagaalamay kuna hor garaacay lasii daayo, dhaawicii askarta oo siiqoyan’
Warar madax banana ayaa noo xaqiijiyay in maayirka degmada gabiley cadaadis badan saaray taliyah dhaawacan, isagoo ka goostay shidaal dawlada hoose siin jirtay saldhiga dhexe taasi oo keentay in maalmihii udaneeyay ay soo bateen dhalinyaro koox koox u dagaalamaya khalkhalna galiyay guud ahaan abniga magaalada gabiley, booliskuna gaadhi kari waayay shidaal la,aan awgeed,
 WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

Exit mobile version