Hargaysa -(Wajaalenews)- Ala Ha Unaxiistee Waxa Hada Ku Geeriyooday Cisbitaalka Weyn Ee Magaalada Hargaysa Taliyihii Saldhiga Degmada Arabsiyo Marxuum Cabdi Maxamed (Cabdi-Case) Oo Saaka Uu Toogtay Mid Ka Mid Ah Ciidankiisu Sida Uu Noo Xaqiijiyay Taliyaha Qaybta Gobolka Gabiley Cabdilaahi Xasan .
Taliyaha Ayaa La Toogtay Isaga Oo Ku Jira Waajibaadkiisa Shaqo Waxaana Saaka 10:30 Am Lagu Toogtay Barxada Hore Ee Taliska Qaybta Gabiley .
Ka Dib Dhaawiciisii Ayaa Loola Cararay Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa , Halkaasoo Lagula Tacaalayay Xaaladiisa Caafimaad Isla Markaana Uu Hada Ku Geeriyooday .
Ala Ha U Naxariistee Marxuumka Taliyaha Ahaa Ayaa In Badan Ka Soo Shaqaynayay Degmada Arabsiyo Iyo Guud Ahaan Gobolka Gabiley Isagoona Aad Laaga Tix Galin Jiray Deegaanka Arabsiyo .
Inaalilaahi Wa Inaa Ialyhi Raajicuun .