WAJAALE NEWS

War Deg Deg ah Fananadii Saado Cali Warsame oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho Ee Xarunta Somaliya

Muqdisho(wajaalenews)Fanaanadii Somaliyeed Ee Saado Cali Warsame ayaa Goor dhawayd dablay Hubasani ku dileen Xarunta Baarlamaanka Somaliya horteeda Kadib markii baabuurkii ay waddatay lagu jaray midkale oo ay wateen dalbaydad khaarajisay Saado Cali Warsamed Sida ay noo xaqiijiyeen Wariyayaal ku sugan xarunta baarlamaanka Somaliya oo aanu la xidhiidhnay.

Saado Cali Warsame ayaa ka tirsanayd Baarlamaanka Somaliya iyadoo ahayd Fanaand in badan ka soo qayb qaadatay Fanka somaliyeed Waxana La sheegayaa inuu hadda yaalo maydkeedu xarunta baarlamaanka horteeda

Goobta ayaa hada waxa soo gaadhay Taliyayaasha ciidamada Booliska Nabad sugida iyo dhamaan laamaha Amaanka Ee Muqdisho Waxana La Sugayaa faahfaahinta ay ka bixin doonaan Dilka Xildhibaanada Saado Cali Warsame

Xildhibaanada Saado Cali Warsame ayaa baarlamaanka Somaliya ku soo biirtay Sanadkii 2012kii Intaasi ku sugnayd xarunta Somaliya Ee Muqdisho.

 

wajaalenews

Hargeisa?office

C/raxman carab

Exit mobile version