London-(Wajaalenews)- Allaha u Naxariistee Waxaa maanta Geeriyooday Siyaasi Cismaan Cabdilaahi Cigaal oo ku magac dheeraa Cismaan Hindi.
Siyaasi Cismaan ayaa ku geeriyooday Cisbitaal ku Yaala Magaalada London halkaasi oo Bilihii u dambeeyay uu xaalad caafimaad u jiifay.
Siyaasi Cismaan Hindi waxaa uu ka mid ahaa dadkii bilowgii xisbiga kulmiye iyo ololihiii madaxtinimo 2003 qaybwayn kasoo qaatay kana soo qabtay mansabka gudoomiyaha gobolka maroodi jeex eekulmiye sidoo kale Marxuum Cismaan Hindi waxa uu masuuliyiinta ugu saraysa ka gaadhay Xisbigii Burburay ee UDUB iyadoo marxuumku uu door culus ku laha siyaasada asxaabta Lagu Xusuusto Hadalo uu jeediyay Markii Xisbigaasi lagaga Guuleyso Doorashadii Madaxwaynaha oo uu sheegay in Xisbiga UDUB oo ahaa Xisbi xaakim lagaga Shubto Doorashada Balse waxaa go’aankaasi markii dambe ka Hadlay Madaxwaynihii Wakhtigaas ee Daahir Rayaale Kaahin.
Cismaan Cabdilaahi Cigaal Waxaa uu mudadaas kadib ahaa siyaasiyiinta Madaxa Banaan ee Somaliland isaga oo aan ku biirin Xisbiyada ka Jira Somaliland, waxaana uu Mulkiilaha ka ahaa Huteel Crown ee Magaalada Hargeysa.
Siyaasiga Maanta ayaa isagoo da’diisa lagu sheegay 60maadka uu ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Dalka Ingiriiska.
Masuuliyiinta iyo hawlwadeenada Shabakada Wararka ee Wajaalenews waxay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ehellada iyo qaraabadii uu ka ka baxay Marxuumku waxaana Marxuumka ay Ilaahay uga Baryayaan inuu Janadii ka waraabiyo iyagana Samir iyo iiman kasiiyo
.Aamiin Aaamiin.