WAJAALE NEWS

MSG GROUP Oo Noqday Shirkada Kaliya Ee Lacagaha Ay Dalka Dibadiisa Ka Hesho Ku Malgalisa Somaliland;Faalo

HARGEISA(Wajaalenews);Shirkadda MSG Group ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku hawlanayd mashruucyo tiro badan oo ay ka hirgelisay guddaha dalka Somaliland, taasoo ka ganacsiga iyo lacagaha ay ka hesho dalka debaddiisa ay ku maalgeliso dardargelinta mashruucyo ay ka wado dalka guddihiisa.

haddaba, shirkadda MSG oo bixisa adeegyo dhawr ka kooban, ayaa waxay dalka Somaliland si rasmi ah uga bilowday mashruucyo tiro badan oo horumar weyn u ah bulshada ku dhaqan guddaha dalka Somaliland, sidoo kale adeegyadda ay fuliso shirkaddu waxa ka mid ah sida isticmaalka adeegsiga internetka SOMCABLE oo hadda ku dhawr dhammaadka hawlihii rikibaada, waxa kale oo shirkadda MSG dhawaan la wareegtay adeegii ay hore u fulin jireen laydhkii dawladda ee Hargeisa Power House, sidoo kale MSG waxay ka shaqeysaa dajinta iyo rarista alaabooyinka ee dekadda, iibinta sigaarka iyo adeegyo kale oo kala duwan.

Adeegyadda aynu kor ku xusnay oo ah kuwo muhiim u ah bulsho weynta ku dhaqan Somaliland, waxayna shirkaddan noqotay shirkadda kaliya ee lacagaha ama ganacsiga ay ka samayso dalka debadiisa ku bixisa maalgelinta mashruucyo tiro badan oo ay ka wado dalka guddihiisa.

Shirkadda MSG Group, ayaa faa’iidada uu ka helo hawlo ganacsi oo dalka debadiisa ah, ayaa noqotay shirkadda kaliya ee lacagaha uga soo xerooda debadda u hurta inay ku maalgeliso mashruucyo dalka guddihiisa ah, taasoo u horseeday inay kasbato taageero farabadan oo ay ka hesho bulshada ku dhaqan dalka guddihiisa, waxaanay arrintaas tusaale fiican u noqotay in cidkasta oo rabta inay Somaliland maalgashato ay haysato fursad ay kaga faa’iidaysan karaan inay shirkaddo ka hirgeliyaan dalka.

Inkasta oo aan qoraalkan kaliya lagaga boggan karin waxyaabaha horumarka iyo faa’iidada u leh ee shiradda MSG ka hirgelisa Somaliland, balse waxa xusid mudan in shirkaddan noqotay shirkadda kaliya ee ay ka shaqayn doonaan shaqaallihii u tirada badnaa abid ee shirkad ka shaqeysa guddaha Somaliland ay ka hawlgalaan, waxaanay kaalin weyn oo muhiim ah ka qaateen ku negaanshaha dhallinyarro tiro badan oo ku tamaniyayey inay mar uun balad shisheeye cagaha saaraan, balse qaadashada shaqaalaha tirada badan ee shirkaddu ballanqaaday ayaa qayb laxaad leh ka qaatay inay fursado shaqo u abuuraan kumanaan dhallinyaro ah oo nafahooda ku haligi lahaa baddaha.

MSG Group ayaa dhawaan hirgalinaysa laydh baahi tira dhamaan qaybaha caasimada hargaysi kakooban tahay oo ay hayso laydh la,aan baahsan iyo qiimo sareeyo caqabadna ku noqday dayarta u baahan nalka

Waxaana filayaa in dhawaan hirgalo laydh tayo leh kuna salaysan mid guud ahaan bulshadu qiimihiisa macquul yahay taasi oo noqon doonta mid mugdi kasaara caasimada somaliland

 

Guud ahaan waxaan shirkadaha dalka gudihiisa lacagaha malayiinta ka helay aan u soo jeedin lahaa in ay dalkooda maalgashadaan si bulshada looga saaro shaqo la,aanta dayarta dalkana looga badbadiyo aafada Tahriibka oo farabaaskuhaya aqoontii dalka, waxaana tusaale fiican idiinku filan company msg group. oo isagu ku hawlan sidii dalkani u noqon lahaa mid dunidu u soo shaqo tagto dadkiisuna kabaxaan camal l,aanta haysata hada

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE YUUSUF HIRSI

Exit mobile version