“Majirto Wax Dawlad Ah Oo Ka Jirta Somaliya, farmaajo Iyo Khayrena Waxay Bixiyaan Cashuurta Al shabaab”Siyaasi Aadan Ruush,
HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Aadan Maxamuud Diiriye (Aadan Ruush)oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii Cabdiraxmaan Tuur, Cigaal Iyo Daahir Riyaale ayaa ka hadlay xogo muhiim oo la xidhiidha midowgii Somaliland iyo somaliya ee 1960kii qaabkii ay iskugu biireen.
Sidoo kale Siyaasi Aadan Ruush ayaa sheegay in wakhtigaa dawladnimadii la qaatay ay ahayd xornimadii Somaliland balse somaliya aanay haysan madaxbaanina walina ay caalamka kaga mid tahay magaca Somaliland.
Dhanka kale Siyaasi Aadan Ruush ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalo kasoo yeedhay Cabdiraxmaan Guulwade Iyo Maxamed Cabdi Yuusuf oo kamid ahaa kaaliyayaashii Siyaad Bare ee xasuuqa Ugaystay shacabka Somaliland
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;