WAJAALE NEWS

Dood Ka Taagan Wiilkii Somaliga Ahaa Ee Ku Safray Taayir Diyaaradeed Mudo Shan Saac Ah Oo Loo Diiday In Uu Arko Aabihii

California (wajaalenews)15 jir ah,oo u dhashay dalka Somaliya,oo dhawaan ka badbaaday taayar diyaarada uu hoosgalay oo ka duushay Gobolka Hawaii ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay in hada lagu celinaayo gobolka California,halkasi oo uu sii joogi doono,sida lagu soo qoray maanta wargeyska the San Jose Mercury News reported.ee ka soo baxay gobolka California

Heya’adda carruurta iyo hawenka dalka mareykanka,ayaa horay dowladda ugu dalbaday in wiilkaasi loo celinyo walidiintiisa si uu ula sii noolaado.

Dowladda mareykanka,ayaa horay Aabe Abdilahi Abdi,ay ugu diideen in uu arko wiilkiisa,ama xitaa uu la sheekeysto taasoo aysan dowladda ka soo saarin warbixin ku aadan,sawabta ay udhacaday in loo diido.

Yaxye Abdulaha,ayaa intii lagu guda jiray baaritaankiisa ku aadan sababihii ku dhaliyay in uu Qatar naftiisa uu galiyo ku sheegay in uu damacsanaa in uu aado Qaaradda Africa,oo loogu sheegay in ay hooyadiisa oo lagu magacaabo Ubax Maxamed Abdule, ay ku nooshahay.

Dhanka kale, Abdilahi Yusuf Abdi,oo dhalay Yaxye yuusuf,oo ah wiilka diyaarada taayarkeeda galay taasoo mudo shan saacadooda duulimaad waday,oo wareysi siiyay radiyaha Vioce of America,ayaa waxaa uu sheegay in xaaskiisa ay horay u kala tageen,waxaa uuna shegay in isaga iyo wiilkiisa ay ku nolaayeen magaaladda Santa Clara,uusan ka warqabin xiligii uu wiilkiisa uu qatartaasi galay.”

 

Wajaalenews.net

Hargeuisa/office

Exit mobile version