WAJAALE NEWS

Waalidiin Ku Amaanay SHaqadiisa Masuul Katirsan Laanta Socdaalka Ee Degmada Togwajaale;

TOGWAJAALE(WAJAALENEWS);DEGMADA TOGWAJAALE oo ku taala xuduuda somliland laleedahay dalka ethopia marina u ah labada dal ayaa ah mid marwalba latacaasha dhalinyarta reer Somaliland ee mudooyinkii danbe tahriibku idleeyay iyagoo siimara dalka aynu jaarka ethopia.

Hadaba walidiintan  ay caruurtoodu isku dayeen inay tahriibaan islamarkaana kasoo qabtay wajaale ayaa ku amaanay masuulka tirsan lanta socdaalka ee magaalada wajaale oo badanaa gacanwayn kasiiya waalidka radinaya ubadkooda masuulkan ayaa lagu magacaabaa CABDIRAXMAAN MAXAMED MUUSE (SAANYO) oo ah wiil dhalinyaro ah islamarkaana muujiyay wadanid ayku dheehan tahay hawlkarnimo

HOOYO,sahra cumar ibraahim oo ah hooyo dhawaan kasoo celisay wiil ay dhashay wajaale ayaa waxay shabakada wajaale xafiiskeeda magaalada wajaale ugu warantay sidii masuuliyada lahayd ee uu ucaawiyay cabdiraxmaan(saanyo) waxayna tidhi ,hooyo waxaan tagay magaalada wajaale anigoon cida kagaranay kana imid magaalada laascanod anoo raadinaya wiil aan dhalay oo iga soo baxsaday. Waa habeenimo waxan tagay laanta socdaalka ee wajaale si ay iigacansiiyaan waxaanan lakulmay ninka lagu magacaabo cabdiraxmaan maxamed muuse ilaa intii uu gacanta kusoo qabanay  muunasan  sedexdii habeenimo ayuu shaqaynayay isagoo baadhayay goobkasta iyo gaadhi kasta oo wax lagu tuhmo isagaana sifiican ii caawiayay ayay tidhi

Dhanka kale dadwayanaha magaalada togwajaale ayaa ku bogadiyay shaqada fiican ee ayqabtaan laanta socdaalka ee magaalada wajaale

Waa hubaal in qofkasta  oo masuuliyad muujiya lagu amaano sida wanaagsan ee uu gutay hawshii qaranku u igmaday waana in xukuumadu hoos u eegto si dhiirigalin iyo dalacaad u u mutaysto qofkasta oo reer somliland ahi

WAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version