Tog-Wajaale(WJN)- Guud ahaanba Shacabka iyo Ganacsatada ku Nool Gudaha Magaalada Togwajaale ayaa Siweyn usoo Dhaweeyay Magacaabista Xubno dhalinyaro ah oo Loo Magacaabay Maamulka Degmada Tog-Wajaale Kadib Markii Xilkii Laga Qaadey Gudoomiyihii Degmada Xaashi Muxumed Cabdi, iyo kuxigeenkiisii Mursal Nuux oo labadooduba ay Shacabku Cabasho Badan Ka Muujinayeen Tan iyo Bolawgii Xukuumada Islamarkaana, Si aan Kala Joogsi aheyn oo aan Xaqiiqda ku Salaysneyn u Isticmaalay Warbaahinta Kala Duwan.
Wareegto uu Ku Sexeexan yahay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Qaab Fax ah Kusoo Gaadhay Wasaarada ayaa Lagu Soo Magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Tog-Wajaale Cabdiraxmaan Axmed. iyo Gudoomiye Kuxigeenk Degmada halka Wareegtadaasina lagu Cadeeyay in ay Sida ugu Dhakhsaha badan Xilka ugu Wareejiyaan Maamulka Cusub ee Loo Soo Magacaabay Degmada TogWajaale Gudoomiyihii iyo Kuxigeenkii hore, iyadoo kusoo Beegantey Arbacadii Maanta oo ay Soo dhaweyn Weyd ah u Qabanqaabiyeen Maamulka Cusub ee Dhawaan loo Soo Magacaabay Gobolka Gabiley, halka ay Geesta kalena kaga soo Beegantey Maalmo Kadib Badelaada Gudoomiyihii Hore Gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed(indhabalac) oo loo Badelay Gobolka Saraar, iyadoo lagu Tirinayay in ay Xidhiidh Joogto ah Yeesheen Badhasaabka la Badelay iyo Maamulka Degmada TogWajaale, gaar ahaana Arimaha Dhulka.
Sikasta oo ay Tahey, Waxa aan La Qiyaasi Karin Dareenka kasoo Baxey Dhinaca Shacabka Degmada Tog-Wajaale oo isaguna ahaa Mid ay in badan Ka Sugayeen Dhinaca Xukuumada Xil ka qaadista Maamulka Degmada Tog-Wajaale islamarkaana, ay Dacawadoodu u Badneyd Habadhqanka iyo Musuqmaasuqa Dhinaca Dhulka Danta Guud oo aanay u Aabo Yeelin Mudadii ay Xilka Degmada hayeen, Waana Sababta Loo aanaynayo Xil ka qaadistooda Maadaama ay Soo Noqnoqatey Dacwadaha iyo Rabashadaha ka dhashey Muranka iyo Musuqa dhulka ee Degmada Tog-Wajaale.
Todobaadkii u Dambeeyay ayey, aheyd Markii dhul Waqfi loo bixiyay oo Dhisme Dugsi ay u bixiyeen Dadkii lahaa Maamulka la badelay u Jeexeen una Qorsheeyeen Sariimad haseyeeshee, ay iska horyimaadeen Shacabkii laakiin Markuu Dambe la xaliyay halka Mar ka horeysayna Dhulkii Xabaalaha ay ku Sheegeen in Wasaarad laga dhisayo talaabadaas, oo ay ka Horyimaadeen Shacabka Reer Wajaale oo gacanta ula tagey iyadoo, Markii Dambe awood loo adeegsadey laakiin Wasiiro Dhinaca Xukuumada ahi iyaduna Ku Xaliyeen in aanay Maamulku taabanin u Dhawaanin Dhulka Danta Guud iyo Eeriyada Xabaalaha oo ay Ku Joogaan Dugsiyada iyo Dhulkanay Bixiyeen ee qaar Ganacsatada kamid ahi ka Dhisteen Bakahaaro Ganacsi.
Gabagabadii Shacabka Reer Tog-Wajaale Waxey ka Filayaan Maamulka Cusub ee Loo Magacaabay Degmada in ay Waa Cusub u Bidhaamiyaan Degmada Tog-Wajaale ee ka Aradan Adeegyada iyo Waxqabadka Aasaasiga u ah Bulshada, oo ay Tacab ku galayaan Aqoontooda iyo Kartidooda at u Da,yaryihiin Laakiin aanay Noqon Wakiilo u Jooga Madaxda ka Sareysa, oo Magaalada u Yimid Lacagaha yar ee Cashuurta ah.
WAJAALENEWS DESK
TOG WAJAALE OFFICE’
WARIYE A.A.HABANE