Berbera(Wajaalenews) Cali Dool Axmed (Cali Qoryooley) oo ka mid ah dhalinyarrada siyaasadda ka faallooda ee reer Somaliland, ayaa sheegay in shacbiga Somaliland iyagoo dhib ka carar ah ay had iyo jeer jecel yihiin qofkii u ilko qabow.
Cali Qoryooley waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu TV-ga Kalsan ku siiyay magaalo xeebeeda Berbera oo uu booqasho ku joogo, waxaanu tilmaamay in xisbiga KULMIYE aanu imika burburin ee uu hore u burburay.
Waxa kale oo ku dooday in xisbigaasi aanay guddidiisa fulintu fadhiisan karin, isla markaana golaha dhexena lagu fadhiisiyay khasab iyo xoog.