CAPE TOWN(W,N)-Wararka ka imanaya deegaanka Phillipi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee Caasimada dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in burcad hubeysani ay halkaasi ku dileen laba muwaadin oo Soomaali ah.
Budhcadan hubeysan ayaa labada Muwaadin ee Soomaaliyeed oo ku dhex dilay goobtooda ganacsi oo ku taalay deegaanka Phillipi, waxaana la sheegay in dilka kadib ay dhaceen agabkii muhiimka ahaa ee dukaanka yaalay.
Labada Muwaadin ee Xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika oo ah wiilal dhalinyaro ah ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin.
Dilka kadib ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaasi ayaa goobta gaadhay, kuwaas oo sameeyay baadhitaano kooban oo Aanay kasoo bixin wax natiijo ah. Oo lagu soo qab qabtay budhcadii dilka gaysatay
Bishaan Novembar gudaheeda waxaa dalka Koonfur Afrika meelo kala duwan oo ka mid ah lagu dilay ilaa sideed Muwaadiniin Soomaali ah oo dalkaasi u shaqo tagay, mana jirto cid wax ka qabaneysa dilalkaasi joogta ah ee lagu hayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ka dhex ganacsada.