WAJAALE NEWS

Wasiirka Gaashandhigga Mareykanka Oo Tilmaamay Inay Sugayaan Amarkii ay Ku Weerari Lahaayeen Suuriya

Washington(Wajaale News)-Wasiirka Gaashandhigga Mareykanka  ayaa sheegay in ay sugayaan oo kaliya amar lagu siiyo weerar ay ku qaadaan Dalka Suuriya.

Chuck Hegal, Wasiirka Difaaca Mareeykanka ayaa tilmaamay inuu soo dhawaanayo wakhtigii weerarka lagu qaadi lahaa Dalka Suuriya si meesha looga saaro xukuumadda uu hgaamiyo Bashar Al Asad, iyadoo loogu marmarsoonayo inuu Adeegsaday hubka aadka wax u gumaada.
Heegal oo wareeysi Gaar ah siinayay BBC ayaa sheegay in beesha Caalamka aanay  indhaha ka qarsan Karin xasuuqa lagu hayo shacabka aan waxba galabsan ee lagu laynayo dalka Suuriya.

Goobjoogayaal caalami ah  oo loo diray sidii ay war sugan uga keeni lahaayeen hubkan la sheegayo in la isticmaalay, ayaa haatan laga dhur sugayaa, waxana haddii ay xukuumadda Suuriya ku caddeeyaan inay hub isticmaashay la qaadi doonaa weerar dhinacyo badan leh oo uu maraykanku hormood ka yahay.

 

Wajaale News

Office: Hargeisa/Somaliland

Email: wajalenews@mail.com

Exit mobile version