|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Gaashandhigga Mareykanka Oo Tilmaamay Inay Sugayaan Amarkii ay Ku Weerari Lahaayeen Suuriya
August 28, 2013 - Written by Wariye:Washington(Wajaale News)-Wasiirka Gaashandhigga Mareykanka ayaa sheegay in ay sugayaan oo kaliya amar lagu siiyo weerar ay ku qaadaan Dalka Suuriya. Chuck Hegal, Wasiirka Difaaca Mareeykanka ayaa tilmaamay inuu soo dhawaanayo wakhtigii weerarka lagu qaadi lahaa Dalka Suuriya si meesha looga saaro xukuumadda uu hgaamiyo Bashar Al Asad, iyadoo loogu marmarsoonayo inuu Adeegsaday hubka aadka wax u gumaada. Goobjoogayaal caalami ah oo loo diray sidii ay war sugan uga keeni lahaayeen hubkan la sheegayo in la isticmaalay, ayaa haatan laga dhur sugayaa, waxana haddii ay xukuumadda Suuriya ku caddeeyaan inay hub isticmaashay la qaadi doonaa weerar dhinacyo badan leh oo uu maraykanku hormood ka yahay.
Wajaale News Office: Hargeisa/Somaliland Email: wajalenews@mail.com Related posts:DAAWO;-Maxkamada Gobolka Gabiley Oo Xukun Ku Riday 13 Eedaysane Oo Lagu Qabtay Qaad Gaadiidkoodiina ... Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Dacwad Ka Dhan Ah Qaar Ka Mida Hay”addaha Warbaahinta U Gudbiyay ... DAAWO ;Shalay Silaanyo & Faysal C, Warabe oo Ku Hanjabay Inaanay Aqbalayn Mudo kordhin Guurtidu u Sa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|