Addis Ababa (WJN) – Markii uu isbaddallo taarikhi ah ka sameeyay dalkiisa, Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed waxaa soo wajahday handdadaad iyo halis, dilkii madaxii ciidammada guud ee dalka Itoobiya kaddib afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay gobolka Amxaarada waxaa ay dhacdadaas noqotay mid halis ku ah hannaanka isbaddallada ka socda dalkaas, weriyaha BBC English Fergal Keane, ayaa waxaa uu eegaya caqabadaha soo wajahay hoggaamiyaha ugu da’da yar qaaradda.
Toddobaadyo uun ka hor markii ay dhibaatadaas ka dhacday gobolka Amxaarada, horumarada iyo isbaddallada uu gadhwadeenka ka yahay Ra’iisal wasaare Abiy ayaa waxay ku socdeen si xowli ah, waxaana guud ahaan qaaradda looga aqoonsaday inuu yahay hoggaamiye isbaddal raadis ah.
Waxaa uu xabsiyada kasoo daayay maxaabiistii u xidhneyd siyaasadda dalka Itoobiya, waxaa uu kala badh jagooyinka sare ee dowladda u magacaabay haweenka gaar ahaan golaha wasiirada iyo guddiga doorashooyinka, waxaa uu sidoo kale heshiis taarikhi ah la galay dalka deriska ee Eritrea, waxaana halkaas lagu soo afjaray dagaalkii xadka ee ka dhexeeyay Eritrea iyo Itoobiya.
Weriyaha waxaa uu sheegay in markii uu la kulmay Ra’iisal wasaaraha bishii December ee sannadkii tegay, waxaa ka muqday kalsooni uu dalka horumaro ballaadhan ku gaadhsin karo, waxaa uu yidhi “waxaan doonaya in aan arko shacabka Itoobiya oo si nabad ah ku wada nool”
Malaayin qarka u saaran halis
Markii uu afgembigii dhicisoobay ka dhacay gobolka Axmaarada kaas oo lagu dilay madaxweynihii maamulkaas iyo madaxii ciidammada guud ee federaalka, Janaraal Seare Mekonnen, waxay u muuqataa in awoodda iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Abiy ay u muuqato mid kusoo fool leh halis isla markaasna laga dheehan karo jilicsanaan dhanka amniga ah.
Hoggaamiyihii lagu eedeeyay inuu horkacayay iskudaygii afgembi ayaa la toogtay, waxaana xabsiyada la dhigay saraakiil balse ma jirto cid heysa macluumaad ku aadan in xaaladda sidaas lagu soo afjaray weerarka kaddib.
Ku dhawaad 2.5 malyan oo qof oo Itoobiyaan ayaa ka barakacay dagaallada u dhexeeya qowmiyadaha qaar, kala qeybsanaan ayaa ka dhex jirta xisbiga EPDRF ee haya talada dalkaas, Abiy Axmed waxaa uu yahay qof ku dhex dhibaateysan xisbiga.
Abiy Axmed waxaa uu dhibane u noqday isbaddallada uu ka wado dalkiisa.
Itoobiya waxaa ka jira 9 maamul goboleed oo ku dhisan nidaamka qowmiyadda.
Kala qaybsanaantan ayaa ahayd mid jirtay tan iyo markii la asaasay nidaamka maamulka gobollada oo lagu saleeyay qowmiyado, ka dib markii ay xukunka dalkaasi la wareegeen xisbiga EPRDF.
Isbaddallada sida xowliga ah ku socda ee uu hoggaamiyo Abiy ayaana saameyn sidaas ku yeelan xisbiga haya talada ay ku buhoobeen afarta xisbi, waxaa jirta arrinta ah in geeska la gelinayo qowmiyadda Tigreega oo lagu tiriyo inay gaadhayaan boqolkiiba 6 guud ahaan Itoobiya balse waxay qowmiyaddan si weyn uga dhex muuqatay dowladihii hore.
“Waxaan dooneynaa inaad tegto’
Xisbiyada siyaasadeed ee ka jira gobollada Amxaarada iyo Oromada waxay codasadeen in la joojiyo hadallada kala qeybsanaanta keeni kara, ninkii lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay Amxaarada waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu qorayay ciidan maleeshiyaad ah.
Weriyaha waxaa uu sidoo kale, in uu booqasho ku tegay Dowlad Deegaanka Soomaalida gaar ahaan xero qaxooti oo ay degan yihiin dad gaadhaya 700,000 oo kasoo barakacay dagaallada qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ku dhexmaray halkaas, waana dad ku dhibaateysan xerada.
Weriyaha waxaa uu sheegay inuu soo xusuusto hadal ay ku tidhi haweeneey waayeel ah oo ku sugneyd xeradaas.
“Si nabad ah ayaan ugu nooleyn deegaanka balse qowmiyadda Oromada ee degan halkaas ayaa nagu tidhi “Tirada dadkiina sare ayay u kaceysaa, waa in aad halkan isaga gurtaan”.
Dhibaatooyinka soo wajahay Abiy Axmed waxay hoosta ka xariiqeysaa mucaaradada lasoo dersi karta hoggaamiye kasta oo doonayo inuu isbadallo ku sameeyo dal soo maray xukunno kalitalis ah balse waxaa aan meesha ka bixi doonin maamulada diktaatooriyadda ee ku saleysan qowmiyadaha.
Ra’iisal wasaare Abiy waa hoggaamiye horusocod ah oo ka shaqeynayo isbaddallo loo dhan yahay guud ahaan dalkaas.
Abiy Axmed waxaa hadda la gudboon in si taxaddar ah uu ku wato howlahiisa siyaasadeed balse howlgalladii lagu soo xidhay in ka badan 250 qof waxay dhibaato kale kasii abuuri karaan gobolka Amxaarada.
Khadkii Internetka ee dhawaan la jaray waxaa looga gollahaa in mucaaradka la aamusiiyo balse taasi waxay kasoo horjeeddaa furfurnaansha uu ballan qaaday Abiy Axmed, dalka waxaa harreeyay warar been ah oo la isla dhexmarayay.
Waxaa dhalay aabe muslim ah iyo hooyo kiristaan ah, 15-kii bishii August sannadkii 1976-kii.
Waxaa uu ku hadlaa luqadaha kala ah Afaan Oromo, Amxaarik, Tigrinya iyo Ingiriiska.
Waxaa uu kamid ahaa ciidammadii Itoobiya ee nabad ilaalinta u joogay Rwanda sannadkii 1995-kii.
Siyaasadda waxaa uu kusoo biiray sannadkii 2010-kii.
Muddo yar ayuu hayay xilka wasiirka seyniska iyo teknooloojiyadda dalka Itoobiya sannadkii 2016-kii.
Waxaa uu noqday ra’iisal wasaaraha Itoobiya bishii April sannadkii 2018-kii.
Sannadka soo socda ayaa lagu wadaa in Itoobiya ay doorasho ka dhacdo balse saraakiil sare oo Itoobiyaan ah ayaa shaki ka muujinayaa in xilliggaas doorasho la qaban doono, sannadkii lasoo dhaafay waxaa la qaadacay doorashooyinkii maxalliga ahaa amni darro aawadeed.
Weriyaha BBC waxaa uu sidoo kale sheegay inuu sannadkii hore la kulmay madaxa guddiga doorashooyinka Birtukan Mideksa oo iyadu horre kamid aheyd mucaaradkii dibad jooga ahaa ee cafiska loo fidiyay.
“Waxaa loo baahan yahay iskaashi si ha’yadaha dowladda looga dhigo kuwo ku shaqeeya dimuqraadidda, in la helo doorasho micno leh iyo warbaahin xor ah….balse waxaan wakhtigan ku tallaabsan doonaa isbaddallo” ayay tidhi.
Hadda waxay ka digeysaa in wakhtigii la qaban lahaa doorshada uu dib u dhac ku yimaado.
Xilli ay wareysi siineysay wakaaladda wararka ee Reuters waxay tidhi
“Haddii xaaladda amni ee dalka ayna soo hagaagin, codbixiyeyaasha kuma odhan karno codeeya”
In dib loo dhigo doorashooyinka Itoobiya waxay u muuqataa inuu ka dhalan karo kala qeybsanaan.
Caqabadda ugu weyn ee heysata Ra’iisal wasaare Abiy waxay tahay sidii uu isbaddallo ugu sameyn lahaa hoggaanka maamulada ku dhisan qowmiyadaha.
Waxaa laga doonayo inuu isku dheelitiro danaha dowladda iyo qowmiyadaha
Isbaddelada uu wado waxa ay u baahnaan doonaan xakamayn, iyo sidoo kale dheelitir danaha is diidan ee kooxaha dowladda ku wada jira. Inkasta oo ay ku jirto tamar badan oo dhallinyarnimo ah, haddana waxa uu u baahan doonaa waayo-aragnimo.
https://www.bbc.com/news/world-africa-48803815 fbclid=IwAR2zzt_k5_Gtpb6QEuaQxApmMHmW_VvlLUNUJUtCYG02KQvP713yO6QfA4k
Wajaalenews Desk
Hargeysa Office
Wajalenews@gmail.com