WAJAALE NEWS

Golaha Guurtida Oo Laba Maalmood Oo Isku Xiga Codsiyo Kala Fog U Soo Diray Golaha Wakiilada, Khilaafkii Kala Irdheeyay 82-ka Xubnood Oo Aan W eli Maaro Loo Helin.

Hargeysa (Wajaale News):-Golaha Guurtida Somaliland oo maalmihii ugu dambeeyay dhexdhexaadin ka dhex waday labadii garab ee uu u kala jabay Golaha Wakiilada Somaliland ayaa hore u soo dhigay Fadhigii Golaha Wakiilada ee ay codsiga Dib ugu riixeen.

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalkaasi Md. Siciid Jaamac Cali oo ku saxeexnaa Go’aanka Golaha Guurtida ayaa sheegay in dalabkoodii hore ee ahaa in dib loogu dhigo Fadhiga Aqalkaasi ay ka laabteen, una mudeeyeen in Mudaneyaasha Golaha Wakiilad ay isugu yimaadaan Aqalkooda maalinta Berri ah.

Si cad uma shaacin Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali Si cad uma shaacin xalka ugu dambeeya ee khilaafkii

ay Mudaneyaasha Golaha Wakiiladu u maaro waayeen, kaas oo ay miciin u bideen Golaha Guurtida.

Shabakada Caalamiga ah wajaalenews  oo heshay nuqul ka mid ah ogeysiin uu Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland, ahna ku simaha Guddoomiyuhu uu u kala diray Guddoomiyeha Golaha Wakiilada iyo labadiisa ku xigeen ayaanu jeclaysanay in aanu idiin soo ban-dhigno.

Dhinaca Kale Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland, Ahna Ku Simaha Guddoomiyeha Golahaasi ayaa shalay soo saaray codsi uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ugu soo jeediyay in dib loo dhigo fadhigaasi, codsigaas ayaa u dhignaa

In kasta oo ay gudiyadii labada garab ee Aqalka Wakiiladu u ogolaadeen Golaha Guurtida Somaliland in ay dhexdhexaadintooda ku qanci Doonaan hadana  waxa soo baxaya warar sheegaya in Golaha Guurtidu ay soo go’aamiyeen in cod lagu soo afjaro khilaafkii Golaha Wakiilada ee Gacan Ka Hadalka Ka gaadhay.

Dhinaca kale Siyaasiyiin ka mid ah kuwa reer Somaliland oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in Go’aankan ay xukuumaddu wax ku leedahay isla markaana sidii ay rabtay wax ugu dhaceen.

Isku soo wada duubo Maalinta Berri ah ayaa laga dhur-sugayaa Fadhiga Golaha Wakiilada Somaliland.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version