WAJAALE NEWS

Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Wadani Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Safar Ugu Kicitimay Gobolka Togdheer

BURCO(W,N)-Musharaxa madaxwayne ee xisbiga wadani cabdiraxmaan cirro, gudoomiyaha xisbiga wadani xirsi cali xaaji xasan iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan ayaa galabta u anbabaxay magaalo madaxda gobolka togdheer ee burco kaasi oo ujeedadiisu tahay sidii ay uga noqon lahaayeen xalinta dagaal laba beelood oo walaalo ah ku dhexmaray deegaanka cali saahid oo katirsan gobolka togdheer.

Gudoomiyaha xisbiga wadani oo qoraal uu kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa sheegay in ay utagay gurmad logu jiro daminta colaada labadan beelood wuxuna udhignaa sidan;

BAAQ NABADEED!

Dhawaaqa colaadeed ee ka soo cusboonaday degmada Qabri-gorod waannu ka xunnahay, waxa aannu na tacsi u diraynnaa dadka halkaa ku dhintay. Waa dhaawac kale oo nabadda iyo wadajirkii bulshada Somaliland halis ku ah!

Waxa aannu Xisbi ahaan ku baaqaynnaa in la joojiyo iyada iyo dhammaan shaqaaqooyinka kale ee jira iyo colaadda Laaacaanoodba.

Dadka reer Somaliland waa walaalo deegaan iyo deeqaasinba wadaaga, ilaalinta wadajirka iyo wada-noolaanshuhuna wuxuu muhiim u yahay guud ahaan bulshada walaalaha ah.

Aniga, murashaxa Madaxweyne iyo madax kale oo Xisbiga ahi waxa aannu u carrownay galabta magaaladda Burco si aannu uga qayb qaadanno deminta iyo nabadaynta shaqaaqadaas.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi cali xaaji xasan.

Exit mobile version