Gabiley(W,N)-Duqey iyo Waxgarad kasoo jeeda beesha Subeer-Awal ayaa dardaaran culus u laqimey Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan kadib markii uu indhawaale u gacan galey Ganacsatada Musdambeedka u ah Murashaxnimada Kulmiye oo la tuhunsan yahey in ay usii gacan galiyeen kooxdii laheyd abaabulka cumaamadii kale,ee Saldanada la barbar eryay oo ay ka gilgisheen kana cadhoodeen inta ugu badan ee Waxgaradka iyo Ninqarta Subeer-Awal.
Xubno tira badan oo kamid ah Waxgaradka beelaha Subeer-Awal oo si hoose ula soo xidhiidhay Wajaalenews ayaa sheegay,hadii ay arintaasi dhacdey in ay damacsan yihiin in ay Suldaanka Guud ee Subeer-Awal Suldaan Xasan usii laqimaan dardaaran adag oo aan yaryareysi laheys kaas oo ay uga digeen in uu kasii taxadiro godadka badan ee ka sokeeya Albaabka uu kusii sugayo Odey Xasan Cali weydkii Cumaamada saarey inaadeerkii.
Inkastoo aan wali sidhab ah loo ogeyn talaabadan Suldaan Xasan ugu dusey Kooxdii Cumaada kale ka barbar joojisey ayaa, hadana waxa xanshashaqeedu soo wada gaadhey guud ahaanba Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Beelaha Subeer-Awal Jabuuti Itoobiya iyo Somaliland dal iyo dibadba kuwaas oo isweydiinaya halka ay saldhigi doonto talaabada Suldaanku ku ajiibay kooxaha Musdambeedka Murashaxnimada Kulmiye ee waagii midiyaha badan u afeeyay,Kooxdaa abaabushey Cumaamada magac uyaalka ah.
Wajaalenews Staff
Gabiley Office