WAJAALE NEWS

“Maamulka TV Qaranka Wareegto Madaxweyne ayaa Lagu madax-banaaneeye aniguna intii aan joogay maan faro galin Wasaarad siyaasadeeda guud mooyane”Abiib Diiriye Wasiirka Warshadaha Somaliland

wasir abiibHargeysa(Wajaale News)- Wasiirka  Wasaarada Warshadaha Somaliland Abiib diiriye Nuur, ayaa cadeeyay in khilaafka u dhexeeya Maareeyaha Talafishanka Qaranka iyo Wasiirka Warfaafintu yahey mid gardaro ah oo Wasiirku sharci ahaan aanu xaq ugu laheyn faragalinta iyo buuqa uu ku kiciyay Maareeyaha Tvga isagoo Xusey in markii uu Wasaarada ka ahaa Wasiirka Madexweynuhu Digreetadii uu ku magacaabay labadooda Masuul(Wasiirka), iyo (Maareeyaha Tvga), ku qeexay xuduudka ay kala leeyhiin haseyeeshee, hada Cakuse gardaro ku doontey Maareeyaha isagoo Arimahaa  ka hadlaya Waxa uu yidhi Wasiirka Warshadaha Somaliland.

Wasiirka Warshadaha Somaliland Abiib
Diiriye Nuur waxa uu sidaasi ku Sheegay mar uu Warbaahinta ugu waramey maanta Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.

“runtii  khilaafku sidiisaba maaha mid fiican anigu  markii la ii magcaabay Wasiirka Warfaafinta ,ayaa Khadar Cali Gaas Madaxweynehu wareegto ku magacaabay kuna madax-banaaneeyey, taas oo ay ku cadeyd madaxbanaanida Maamulka Tvgu   Markaa anigu Wasaarada waxaan maamulaayey siyaasadeed guud Maamulka TV Qaranka Wareegto Madaxweyne ayaa Lagu madax-banaaneeye aniguna intii aan joogay maan faro galin wada shaqayin fiican ayaa, nag dhaxaysay intii aan joogay” Ayuu yidhi Abiib Diiriye Nuur Wasiirka Warshadaha Somaliland.

 

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in ay banaan tahey in Qof kastaaba uu ku ekaado shaqadiisa oo aan is eryad iyo khilaaf la abuurin.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cakuse), ayaa bilaabay labadii maalmood ee u dambeeyay olole uu ku kicinayo Howlawdeenada iyo Shaqaalaha Tvga Qaranka Somaliland qeybo kamid ah kadib markii Madaxtooyadu ku amartrey in uu Shaqadiisa ku ekaado oo aanu faragalin dambe ku Sameynin Maamulka Tvga Qaranka, oo Digreetada lagu wada Magacaabay.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version