WAJAALE NEWS

“Maantana Ma Axmed Mire Ayuu Wax Ka Sheegayaa, Axmed Mire Ma Basaaskii GAANI Ee UFO 6000$ Siistay Baa Wax Ka Sheegi Kara” Cali Guray.

Hargaysa(Wajaalenews) Gudoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid Muj. Cali guray ayaa ka hadlay eedeynta faysal cali waraabe u jeediyey Mujaahidintii halganka qadhaadh ku soo xoreysay dalka, kuwaasoo ay kamid ahaa Mujaahid Axmed Mire.

Waxanu sidasi ku yidhi qoraalkiisa facebooka soo dhigay. “Colkii SNM ee Burco 27 May 1988kii galay baabu hogaaminayay eh.

Ha la yaabin laakiin maanta nin waliba waa nin lakiin shalay nin waliba nin muu ahayn. Rag la lahaa oon haye mooyee maya odhan karin baa jiray.

Lakiin Faysal wuxu ragga dheeraa Isaaq lacagta laga qaado oo bixiya ayaa badnaa isagu kuwaa la siiyo ta Isaaqa laga qaado ee Isaaqa ku basaasa ayuu ahaa.

Maantana Axmed Mire ayuu wax ka sheegayaa saw baqashii fardaha la daaqday ee faraska is mooday uun maaha.

Waar ha na haybsan anaga nama gaadhide hadaad nin raga tahay shalay baad wax iska celin lahayd markaad GAANI basaaska u ahayde.

Tan uu ku faaqay uu ku kibray ragii ku dagaalamay ee uu xoreeyay inu ka xashoodo ayay ahayd inu afkiisa dheer la galo may ahayn lakiin cidda dambaysa ee halkii Gaani ugu jirta waa la yaqaan. Isagu wuxu u baahan yahay cid adeegsata uun dawlad xumina Faysal kama maaranto oo waa astaamaha lagu garto.

Madxwaynayaasha wuxu col la yahay inta aanay u gacan haadin eenay waxoogaa u laabin ee la hawlgelin. Lakiin bal idinku ka sheekeeya ka isaga oon Madaxwayneba noqon durtaba markii la yidhi Musharax baad tahay Faysal mee yidhi ee soo ciyaarsiiyay. Hadii la doorto dadkaba aniga guulwadayaal ha ii noqdaan buu odhan lahaa cidda diida toogta iyo soo xidha ayuu odhan lahaa”.

Exit mobile version