WAJAALE NEWS

Hogaamiye Xirsi Oo Ka Dareen Celiyay Kulan Lagu Gorfaynayay Buugiisii “Miyiga Ilaa Madaxtooyo”!

HARGAYSA(W,N) Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ee wadani xirsi cali xaaji xasan ayaa dareen celiyay kulan akhriseed lagu lafo gurayay buugiisii miyiga ilaa madaxtooyo ee xamaasada balaadhan dhaliyay wakhtigii uu soo bandhigay.

Kulankan lagu lafo gurayay buuga uu qoray xirsi oo ka qabsoontay maktabada siilaanyo ee magaalada hargaysa ayaa waxaa kasoo qaybgalay abwaano, Aqoonyahan iyo dhalinyaro tiro badan oo iyagu ku caan ah akhriska iyo qorida buugaag kala duwan.

Hogaamiye xirsi cali xaaji xasan ayaa qoraal kooban oo u kaga hadlayo kulan akhriseedkan ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna Udhignaa Sidan;

Waxay ahayd cawys qiimo badan oo lagu gorfaynayey Buugii Miyiga Ilaa Madaxtooyada Maktabada Siilanyo oo ay soo qaban qaabiyeen kulanka Aqoonyahanka Akhris Wadaag ee magaalada Hargysa.

“Runtii waxay ii ahayd sharaf Inaan hor imaado dhalinyaro Waxbaratay Diyaarna u ah kobcinta Akhriska iyo gorfaynta Buugaagta Soona Akhriyay Buuga una sharaxo Buugaas iyo Macluumaadka Uu Xanbaarsan yahay Iguna Jawaabo su’aalihi uga soo baxay iyo wixii ay qabaan ee kale kuna saabsan Buuga Waa madal xiiso badaneyd oo aqoon korodhsi, waayo-aragnimo wadaag iyo afkaar is-waydaarsi yaal.

Waxaan aaad ugu mahadnaqayaa dhalinyaradii iyo waayeelkii soo qaban qaabiyay kulankaas aadka u qiimaha badan.

Hogaamiye; Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Exit mobile version