HARGAYSA(W,N)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanka kusoo dhigay nin habeenkii xalay magaalada hargaysa ku diley Marxuum laga magacaabi Jiray baashe Faarax Nuur sida ay ku sheegeen qoraal ay ku baahiyeen boga ciidanka booliska Somaliland oo udhignaa Sidan;
Ciidanka Booliska JSL ayaa Caawa gacanta ku soo dhigay Eedaysane Baashe Faarax Cabdi oo ku Eedaysan in uu dilay Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan ina Nuura Suudi oo 25 jir ah
Eedaysanahan ayaa ku eedaysan ina ku dilay Marxuumka tooray Abaaro 2:30 Habeenimo ee Xalay kaasi oo kaga dhuftay qoorta, Dilkan ayaa ka dhacay Huteelka Niil Ee Magaalada Hargeisa
Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo. saaranaaya.
Ugu Dambayn Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan.
Alle Mahad leh
Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSL