Fadeexadan ayaa banaanka soo dhigtay tamar darida qalabka ay Wasaaradda Duulista iyo Shirkadda NASHA shirkaddaha diyaaradaha kaga urursadaan lacagta, iyad oo aanay Xukuumaddu waxba hore uga qaban cabashooyin caynkan oo kale ah oo ay shirkaddo qalab kala soo dagayey diyaaradu cabasho uga muujiyeen awood la,aanta Wiishashka Rarka ee NASHA.
Ilo Wareedyo u dhuun Daloola Madaarka Hargeysa ayaa warbahinta qaar u sheegay in Qalabkan dabka loogu xoojiyo Diyaaradaha laga doonay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Rakaabkii la socday diyaaradaasi ayaa badhkood loo kala ambo bixiyey Magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho, halka inta hadhayna la filayo in maalinta berri ah ay sii qaado diyaaradan.
Hargaysa Office
Caalam News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane